Maxkamad 33-Bilood Oo Xadhig Ah Lagu Xukumay Nin Si Qarsoodi Ah Cinema Uga Duubtay Qaybta 8aad Ee Filimka Fast And Furious

 

Maxkamad ku taala dalka Britain ayaa sadex iyo sodon bilood oo xadhig ah ku xukuntay nin British ah, oo si qarsoodi ah, silimoo uga duubtay qaybta lixaad ee taxanaha filimka “Fast and Furious”, ka dibna uu ku baahiyay shabakada Internet-ka.

Garsooraha Maxkamada Magaalada Wolver Hampton, oo ka hadlayay sababta xukunkan uu u riday, ayaa sheegay in ninka uu xukumay, oo lagu magacaabo, Philip Dankz (25-jirna), da’diisu tahay, uu filimka qaybtiisan sideedaad ka si qarsoodi ah uga duubtay silimoo lagu soo bandhigay, ka dibna uu ku baahiyay shabakada Youtube, taas oo sida uu garsooruhu sheegay ilaa 700-kun oo jeer la downloaded garaystay ama laga rogtay shabakadaas.

 Sidoo kale waxa garsooraha maxkamadani uu isna muddo boqol iyo labaatan saacadood ah inuu shaqo qaran, oo aanu mushahar ka qaadan ka shaqeeyo ku xukumay nin ay walaalo yihiin eedaysanaha uu xabsiga u diray, kaas oo isagu sida uu sheegay u qaabilsanaa ku baahinta facebook ee filimkan ninka ay walaalaha yihiin.

Ururka ilaalinta xuquuqda qoraalka iyo fikirka ee dalka Britain ayaa talaabadan ku tilmaamay ceeb iyo mid wax wayn u dhimaysa, xuquuqda qoraalka iyo fikirka ee qofka, waxaanay sheegeen in shirkada baahinta filimada iyo soo bandhigistooda u qaabilsan dalka Ingiriiska ee lagu magacaabo, “Universal Pictures” ay qaybta sideedaad ee filimkan laga xaday, ku khasaartay lacag lagu qiyaasay, “Hal Millions of pounds”.

Dad badan oo safafka danbe ee Silimooyada lagu soo bandhigo filimada fadhiista ayaa had iyo jeer si qarsoodi ah u duubta, marba filimada cusub ee soo baxa waxaanay ku baahiyaan, shabakadaha internet-ka ama inta ay cajalado CD-yo ah ka sameeyaan ka dib sidaa ku faafiya, laakiin taasi badanaa kama dhici jirin dalka Ingiriiska, waana sababta keentay in xabsi lagu xukumo ninkan la sheegay inuu baahiyay.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply