Megan Marcel oo ah Gabadha u Doonan Amiirka ka tirsan boqortooyada B ritain ee Amiir Harry ee arooskoodu uu qabsoomi doono maalinta 18ka bisha April ee sanadkani ayaa waxa ay sheegtay in ay go’aansatay in wax ka badashi Qaabii ay u dhici jireen Aroosyada Boqortooyada Dalka Britain .

Megan ayaa waxa ay sheegtay in caadad Qoyska boqortooyada aroosyadeeda lagu yaqaanay ayaa waxa ay ahayd in gabadha ku soo biirta ay Maalinta arookseeda soo kaxaysato Aaabaheed isla markaana ay soo galaan iyaga oo wada socda .
Megan ayaa waxa ay sheegtay in ay arrintaasi badalayso oo ay halkii ay ka soo kaxasyan lahayd aabaheed ay soo kaxaysan doontoo hooyadeed .
Megan ayaa waxa la sheegay in ay aad ugu xidhantahay hooyadeed Doria Rugland
isla markaana aan wali haynin sawir ay aabaheed kula gashay goob fagaare waxaana arrintaasi sabab u ah in labadeeda waalid ay kala tageen ,sidoo kale wakaaladaha wararka ee Dalka Britain ee ay ka mid tahay Wakaalada amse Majalada Reader’s Digest ayaa waxa ay sheegeen in arooskaasi uu yeelan doono dhacdooyin badan oo soo jiidan doono Warbaahinta iyo arrimo aan hore loogu arag Aroosyada Qoyska Boqortooyada dalkaasi .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa/office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA