Meherkii Guud Haldhaaley, Ragii Hore Maxey Dumarka U Huri Jireen Ragga Maantana MaxeyDumarka U Horaan.

Guyaal iyo guyaal hore geyigeenna ninkii guur doon ah ee gayaankii ka xusha middii hadhuubka caashaq la walwaali lahayd wuxuu u huri jiray oo uu si hagar la’aan ah u hibayn jiray maal wixii rag isku dhaafay oo geel iyo gammaan faras ahaa, ninkii
intaa ka faro madhan waxuu ahaa caydh cidi aanay waxba waydiin, in uu guur iyo gayaan hawlihiis ku hawshoodaana mid uu hawaysto ma ahayn, haddii uu ku hawshoodana
nin hafar ku nool ayaa loo arki jiray.

Milaygii dhexe iyo intii aan reer magaal la noqon, haddii uu damac guur kugu
lammaanyahay ood haysato geeslay waad ku baadi goobi karaysay una geed
fadhiisanasay gayaanka middaad ka calmato iyada oon cambaarayn iyo canaan
midna aanad kala kulmayn, waayo waxa lahaysto ayaa sidaas ahaa.

Eegga iyo ninkii guur doon ah, isbidiya guur ee gayaankii raba in uu la haasaawo
waxa la gudboon in jeebka iyo jawaankuba u buuxaan, waayo haddii uu xiiqo oo
uu xabeebo cid ayaan waxba ka qorayn, haddii aanu hurayn sida ragga qaarkii
dahab, doollar iyo diinaar, waxa u qurux badan in uu fasax iska galo.
In ku siman dhawr gu’ ayaa caashaq karkaarada soo jabshay oo soo karaaray kali
igu noqday, Guud haldhaalay darteed dhuuni ma cunin mana dhadhamin, da’i
dhafoorkay ku taalle, dhafoorkuu igaga yaal dhaawucuu ii gaystay, yartaa Guud
haldhaaley la’aanteed dhulkaa ila wareega, bu’da aragga dhaayuhu markay
daymada il qabadka leh daymoodaan waa u cosob iyo cagaar, waa u hoodo iyo
ayaan, waa u koboc iyo korriin jidh iyo maanba. Ka jeedsigeedu waa u jahwareer,
waa u jibaah, waa u taah, waa u talal, waa u juuq iyo jaaq la’ waa u abaar, omos
iyo ooda lul.

Dharaarihii ina dhaafay waxaan la dhutiyay caashaqa yartaa awgeed, maxay
wadnahayga waran ku wareentay, gooyay wadayaasha dhiigga, heer heerayna
halbowlayaasha. Waa hantaaqo huqdii ka yeedhay hareeraha la wada eegay, Bi’ i

waa naftaydaay haybi ruuxaas oo hadal yarayso !!!
Illeen ceeb looma dhinto, Xaasha!!! waxaas oo taah iyo cataw ahi oo intaas oo
dhan iga dhawaajinaya waa kalgacayl igu kali ah, aanan hiil ka helin ruuxan
kadeedka u mutay, tolow ma fulaynimaa i haysa? Mooyi!! Fulaynimo halkay u soo
mari dhal libaax, haddaanay fulaynimo i hayn kal hore maan fataho.
Gashaanti camal san oo jalaqsan, qurux u dhalatay, dhega-nugul, oo gaari ah
weeyi, iyada oo xilli fiid ah iska laafyoonaysa ayaan gaadmo ugu fatahay, ileyn nin
soomal haadsan sug ma yaqaane, waxaan ku qarqiyay awood intii aan aan afka
ku cabbiri karayay caaqashan igu lammaan een la ildarahanahay.

Ilayn Raxmaankuu ruuxna ruux garasho iyo garaad kala ma dhiggine, way ii
garawday caashaqan i shidaya ee shiddada uu igu hayaa dushayda ka muuqato.
Haye iyo hawraarsan!!. Jeerkaas keliya ayaa jirka, qalbiga, dareenka, garaadka
iyo caqligaba ka farxad ooyay. Wadeeca Alla!!! War yaa noo islaama.
Hadda uumbaan wahabkiisa caashaq ka ladayaa, wax weerar ah iguma hayo,
waxaan helay haween tii haldoorka u ahayd ee hawlaha adduunyada hareeraha
ila qaban lahayd, tii hir markii aan gaadhaba hir kale ila haybin lahayd,
Raxmaankaa garasho iyo garaad ku mannaystay, marna ka maarmi maayo Guud
haldhaalay.

Haasaawe dheer oo hallaasi ah waxaanu isku habno, waxa aannu jalbeeb iyo
kajan isku jalbeebno, waxaanu si habsamiya iskula hadaafinnaa hadhuubkii
caashaq, oo hadda ku dhaw xiligii midho dhalka.
Waxaanu isku afgaranay gacalladey Guud haldhaaley in aannu guri yagleelno.
Sidii dhaqanka soo jireenku ahaa jiilba jiil ka soo dhaxlayay, aalaaba ruuxii
gashaanti u geed fadhiisanayaa waxa uu ahaa ruux huraya, geel, gammaan faras
iyo geelsay. Haatan oo ay dunidu casri iyo reer-magaal isbiddo ninkii Dahab,
doollar iyo diinaar haysta ayaa albaabku u furanyahay. Ninka intan ka faro
madhan, waa sabool aan sinaba waxba ku heli karin.
Haddaba intaa annigu midna faraqa iiguma jiro mana haysto, waxa aan
gacaladey ugu geed hoos fadhiisanayaa intii hal-abuur, aqoonyahan, sheekh ay
dhaxal dhigeene dhigaal keyd sanayaasha ay u dhigeen ummada.
Waa halka ay garashada iyo garaadku ku dararaan, waa halka lagu falanqeeyo
falasafa faylasuufka, waa barta manka iyo udugga maanka laga helo. Ma hanti ka
qiimo badan baa jirta? Xaasha!!!
Waxa aan u soo bandhigay gacaladay in hanti tii ifka taalay ugu dahabsanayd in
aan ugu soo ardaa fadhiisanayo, ileyn gaari Guulle garaad iyo garasho ku
manaystay weeyaan, waanu isku afgarannay, gobsanaa oo gaarisanaa!!!
Dharaartani waa dharaar dharaaha nooga duwan, waa dharaar aan dhig iyo
udub dhidibbada u aasaynay. Illaan ceeb looma dhinto!!! Tolow haddii aan hanti
sabool ka ahay, ma iyadaa han yar oo ku qanacsan wixii aan ula immaado,
Xaasha !!
haddii hanti ifka guudkiisa lagu sheego tii ugu dahabsanayd, ugu qiimo badneyn
inta hanti qiimo leedahay, hantina hadal kama joogo ninkii intaasi ay faraqa ugu
jirtaa ma nin caydh ah baa? Xaasha !!!
Xigmad guun ah oo gaamurtay baa tidhi “Ninkii raba inuu run sheego, ha
diyaarsado faras aad u dheereeya.” Annigu faras iyo baabuur toona ma lihi,
baxsadna noqon mayo dhaliisha Soomaali Maxamed loogu dawgalayna ninkii
doonaa ha hadlo e’ dhagna jalaq u siin maayo.
Eegga waxaan u labistay, qaydka u xidhay barti gegaddii gacalka iyo guurtida aan
ku ballansanayd…

 

abdiqani hasan farah

suxufigadari@gmail.com

 

 

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com