Messi Oo Ka Adkaaday Ronaldo Kuna Guulaystay Ciyaaryahanka Ugu Fiican Spain.

Ninka Gaaban ee Reer Argentina waa weeraryahanka mucjisada ah ee Lionel Messi ayaa waxa uu ku guulaystay labada abaal marinood ee ugu qaalisan wadanka Spain waa ku waas oo kale ah weeraryahanka sanadka iyo ciyaaryahanka ugu fiican sanadka

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa markale loo caleemo saaray ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La Liga xili ciyaareedka 2014 – 2015, xaflad abaal marino uu ku qaybinayay LFP – gu oo lagu qabtay magaalada Barcelona habeenimadii Isniinta.

Waxay noqonaysaa markii lixaad ee Messi uu ku guuleysto abaal marinta todobada jeer la bixiyey, iyadoo uu xidigii ku guuleystay sanadkii tagey ee Cristiano Ronaldo uu yahay laacibka kaliya ee sanadkaas uun nasiibka u hellay in magaciisa lagu daro taariikhda biladan.

.

Tababare Luis Enrique ayaa loo caleemo saaray macalinkii sanadka, halka Claudio Bravo uu kaga guuleystay goolwadihii sanadka ugu fiicnaa, Neymar ayaa isna loo doortay laacibkii ugu wanaagsanaa ee ka soo jeeda qaarada America.
Messi wuxuu u hibeeyey abaal marinta wiilkiisa Thiago kadib sanad uu dhaliyey 43 gool 18 kalena uu salaxay.

‘Waxaan abaal marintan u hibaynayaa wiilkayga Thiago,’ ayuu yidhi. ‘Mar kasta oo aan guriga ka baxayo, wuu marooradilaacaa waxaanu igu sii yidhaahdaa, ‘Mar kale ayaad sii tagaysaa meeshii goolka’.’

Guud Ahaan Abaal-marinihii la Bixiyey Iyo sida Loogu Kala Guuleystayna waa Kuwan:-

abaal marinta xidiga sanadka ee LFP

abaal-marinta-xidiga-sanadka-ee-LFP-oo-messi-ku-guuleystay-2 abaal-marinta-xidiga-sanadka-ee-LFP-oo-messi-ku-guuleystay-650x360 abaal-marinta-xidiga-sanadka-ee-LFP-oo-messi-ku-guuleystay-1LFP Award 2 LFP Award LFP Awards

xigasho Cadalool.com

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com