Guud ahaan Dadka ku nool Caalamku badankoodu waxa ay aad u adeegsadaan baraha bulshada ee kala duwan.

Haddi ay tahayFacebook,Twitter,whattsapp,Snapchat,IWM.

Haddaba barahaasi bulshada ee kala duwa waxa ay noqon karaan kuwa ay dadka qaraabada ah ee wada dhashay ay si wanaagsan ugu wada xidhiidhaan haddi ay kala fodyihiin taasi waxa ay noqon kartaa faa’iidada ay leeyihii balse Tashamath Palihabitia oo maamula ki xigeenka shirkada Facebook gaar ahaan qaybta arrimaha suuqgaynta ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada ay kala kulmaan dadka aadka u adeegsada barahaasi bulshadu ay tahay mid aad uga badan faa’idadaasi aan soo sheegnay.

Mr Palihabitia ayaa waxa uu arrintaasi ka cadeeyay kulan lagu qabtay Jaamacada Stanford ,waxa aanu sheegay in uu aad uga xunyahay in uu ka mid ahaa aasaasayaashi mid ka mid ah Baraha Bulshada ee ay Dadku aadka ugu xidhanyihiin oo ah Facebook.

Waxa aanu sheegay in guud ahaab mujtamacyada kala duwan ew Aduunka ku nool ay barahaasi bulshadu kala fogaynayaan sidoo kalana ay barahaasi bulshadu galaaftaan noolosha Dad badan .

Haddaba dadka aadka ugu xidhan baraha bulshada ayaan badankoodu garaynin faa’iidada amase dhibta ay kala kulmaan barahaasi waxa aanay isticmaalka barahaasi ki qaataan waqtigooda ugu badan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA