Deraasadaha qaar ayaa waxa ay yihiin kuwa aanu si fudud ku aamini karin qofka akhriyaa amase maqalaa kuwaasi oo aad uga soo jor jeedsanaya fikirka uu aadmahu guud ahaan ka aaminsanyahay waxyaabaha qaar.

Balse waxa hubaal ah in deraasadaahi ay ku salaysanyihiin baadhitaano dhab ah oo lagu sameeyay dad xayi ka hor intii aan la soo bandhigin.

Deraasadd cusub oo laga soo saaray Dalka Northway ayaa waxa khubarada ka qayb qaatay soo saarista deraasaddaasi ay ku sheegeen in nadaafa guryaha ay saamayn caafimaad ku yeeshaan sambabada haweenka .

Deraasaddan oo ay soo bandhigeen Bergen ee dalkaasi ayaa waxa ay ku cadeeyeen in nadaafada badan ee haweenka ay ka qabtaan guryaha ay saamayn ku leedahay caafimaadka sambabadooda isla markaana haweenayda aadka u nadiifiso guriga ay la mid tahay haweenay baakidh sigaar ah cabtay ,si kastaba ha ahaatee deraasaddan ayaa ah mid caqliga caadiga ah ka hor imanaysa balse waxa ay khubaradaasi sheegeen in ay dhawaan soo bandhigi doonaan cadaymo ay arrintaasi ku xaqiijinayaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA