Mo Farax Oo Walaac Ka Muujiyey In Uu Dib Ugu Noqdo Reerkiisa Oo Maraykanka Ku Nool

Sir Mo Faarax oo da’diisu tahay 33, waxa uu lanool yahay xaaskiisa Tania iyo afar caruur ah oo uu dhalay,laakiinse wakhtigan imika waxa uu ku sugan yihiin Maraykanka.

Orod yahan ka Somali- British ka  ayaa walaac xoogan ka muujiyay  in  uu awoodi waayo inuu ku laabto reer kiisa oo ku nool Maraykanka.

Sir Mo  waa muwaadin ingiriis ah oo u dhashay Somalia , oo kamida  dalalka  todobada ah ee u badan Islamka  ee uu ka mamnuucay Trump inay soo galaan Dalka Maraykanka.

Joojintani waxa ay sidoo kale saamayn kartaa  muwaadiniinta  haysta aqoonsiga Ingiriiska ee u dhashay mid kamida  dalalka 7 ah, orod yahankan caan ka ahna waxa uu walaac xoogan ka muujiyay in uu gali kari wayo Maraykanka waxa uu u  aqoonsaday  inuu yahay” qof aan lagaranayn”.

Sir Mo oo da’diisu tahay 33, waxa uu lanool yahay

xaaskiisa  Tania  iyo afar caruur ah oo uu dhalay,laakiinse wakhtigan imika  waxa uu ku sugan yahay  goob tababar oo ku taalla  Ethiopia.

Waxa uu haystaa  Passport Ingiriis ah , mana haysto laba dhalasho  ama  Passport Somali ah , hadana waxa uu ka cabsi qabaa  inay sharcigan uu soo saaray Maraynkanku ay saamayn ku yeeshaan.

Ciyaar yahankan caanka ah  waxa uu yidhi “Waa arrin dhibkeeda leh” sidoo kalena waxa uu yidhi  waxan u sheegayaa caruurtayda  inaanan  iman Karin .

Waxa uu ku daray  inuu cambaareeyo tallaabadan uu maraykanku qaaday ayna  tahay “ mid ku dhisan jahli  iyo nacayb”.

Madaxwaynaha US  waa uu difaacay joojinta soo gaxootiga , waxa uuna sheegay  in  talaabadan  ay u jeedadeedu tahay sidii loo joojin lahaa weerarada Argagixisada ka dhacaya  gudaha Maraykanka.

Waxa uu Twitter ka soo galiyay: ” dalkeennu waxa uu u baahanyahay  xuduudo adag oo aan ladumin karayn, bal u fiirso imika  waxa ka dhacaya  Yurub oo dhan, xaaqiqdiina waa Arrin dhibkeeda leh.

 

Dhinaca kale  qoraal ayuu ku sheegay Orod yahan Sir Mo “ January  1, sannadkan  Boqoradda Ingiriisku waxa ay  ii aqoonsatay  geesiga  boqortooyada”

“27 ,January ,Madaxwayne Donald Trump isna waxa uu iga dhigay  qof  aan lagaranayn”

“Anigu waxaan haystaa  aqoonsi  ingiriis ah  waxaanan ku noolaa Maraykanka 6 sano – si fiican baan  u shaqaysanayay , bulshadana waan kala qayb qaadanayay horumarka, cashuurta waan bixinayay , waxaanan ku korinayay caruurtayda halka ay imika  iga soo wacayaan”

“Imika aniga iyo dad ka kale ii ila mid ka ah waxa loo sheegay inaanaan soo dhawayn ku lahayn maraykanka”

Waxa uu ku daray “ Waa arrin dhibkeeda leh , waa inaan u sheegaa caruurtayda  imika  inaanu  aabahood guriga iman karaynin – oo aan u sharaxaa in Madaxwaynuhu  soo saaray  sharci ku dhisan  jahli iyo  nacayb”.

 

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com