Morocco: Basas Midab gaar ah leh oo loo gaar yeelay Haweenka Dalkaasi sababta keentay iyo Midabka loo dooray !

Hawraar (Ribat) Dalka Morocco ayaa waxa ku badan falalka Kufsiga ah waxaana marar fara badan haweenka Dalkaasi lagu kacaa falal aad u fool xun sida jidh dilka oo kale iyo aflagaado iyo sidoo kale fara xumaynta lagu la kaco haweenka Dalkaasi gaar ahaan marka ay saaranyihiin  Gaadiidka Dadwaynaha sida Basaska oo kale .

 

 

Haddaba Dawlada Dalkaasi ayaa si uga hor tagto arrintaasi waxa ay Haweenka Dalkaasi u gaar yeeshay Basas u gaar ah kuwaasi oo Midabkoodu yahay Midabka loo yaqaano “Pink” af Somali ahaana aynu u naqaano Basaliga .
Talaabada ay xukuumadda Dalkaasi qaaday ayaa waxa ay sidoo kale ka hor tag u tahay Kufsiga iyo Fara Xumanyta Haweenka Dalkaasi lagula kaco xiliyada ay Saaranyihiin Gaadiidka ka hawl gala gudaha dalkaasi gaar ahaan Basaska Dadwaynaha.

Duqa Magaalada Ribad ee Caasimada Dalkaasi Maxamed Sadiiqi ayaa waxa uu sheegay in talaabadaasi sida ugu dhakhsaha badan ay u hir galin doonaan ,waxa aanu arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay ka hor tag lagaga hor tagayo Cunfiga ka dhanka ah Haweenka Dalkaasi gaar ahaan xiliyada ay Saaranyihiin Gaadiidka Dadwaynaha .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com