Nadaafada iyo quruxda qofku iyo sidoo kale daryeelka uu naftiisu  daryeelo waa wax uu ilaalin karo.

 

Haweenay u dhalatay Dalka Morocco oo Ilaahay u dhaliyay Jaah Iyo Jamaal isla markaana ka shaqaysa nadaafada wadooyinka dalkaasi oo ay duruufta noololeed ku qasabtay in ay shaqadaasi qabto ayaa waxa ay ku caan baxday quruxdeeda iyo nadaafada ka muuqata dusheeda.

 

 

Gabadhaasi ayaa waxa Sanaa Macdaad waxa aanay da’deedu tahay 25 jir Sanaa ayaa waxa ay shaqadaasi ka quudisa qoyskeeda waxa aanay gabadhaasi noqotay gabadha ugu quruxda badan sidoo kalana ugu nadaafada wanaagsan haweenka ka shaqeeya nadaafada Dalka Morocco.

 

 

Sanaa ayaa waxa ay ku guulaysatay haweenayda Ugu quruxda badan haweenka shaqaala nadaafadeedka ee dalkeeda waxa aanay arrintaasi ku mutaysatay abaalmarin qiima badan waxa aanay noqotay Haweenayda Nadaafada ee sanadkani 2018.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA