Mucjiso Alle: Nin Sucuudi Ah oo 3-Kelyood Leh

Carcara, (Hawraar/Mucis):- Xaalad dhakhaatiirta caafimaadku ku tilmaameen mid dhif iyo naadir ah ayaa lagu arkay, wiil dhalinyaro ah oo Sucuudi ah, kaas oo baadhitaan uu u tagay cusbitaalka sawiro laga qaaday ka dib la ogaaday in sadex kelyood jidhkiisu leeyahay, taas oo aad nooceedu ugu yar yahay dunida.

Ninkan oo todoba iyo labaatan jir ah, kana mid ah dadka degan degaanka Carcara ee dalka Sucuudiga ayaa cusbitaalka u tagay, xanuun caloosha kaga soo booday oo uu ka cabanayay, waxaana lagu sameeyay baadhitaan dhinaca uur ku jirta ah, kaas oo lagu ogaaday xaaladan naadirka ah ee sadexda kelyood inuu leeyahay ah.

Waxa dhakhtarkii dawaynayay ama baadhayay ninkaasi uu u sheegay ninkaas in sadex kelyood uu leeyahay, taasina tahay xaalad naadir ah ama aan dunida wali si rasmi ah looga diiwaan galin, gaar ahaan bariga dhexe iyo qaarada Eeshiya.

Ninkan todoba iyo labaatan jirka ah Ayaan waxba kala socon, waxaana sida dhakhaatiirtu u sheegeen, dhamaan sadexda kelyoodba u shaqaynayaan si dabiici ah, laakiin ninkaas oo ay ka warantay jariirada Okad ee dalka Sucuudigu, ilaa wali ma garanayo wax dheeraad ah oo uu kelyahaas ka tirada badan inta aadamigu leeyahay uu ku qabo ama ay dhib ku hayaan.

Hasa yeeshee sida dhakhaatiirtu sheegeen waxa baadhitaankii lagu sameeyay lagu ogaaday, in ciladu aanay la xidhiidhin kelyaha sadexda ah ee ku jira, balse cilad dhinaca caloosha ah kaliya uu ka kacay, xanuunkiisa uu cusbitaalka u yimi.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply