Hawraar (Cape Town) Abuurka Ilaahay SWT waxa uu xambaarsanyahay Xikmaddo badan kuwaasi oo ay tahay  in lagu cibro qaato.

Basid Mucjiso ah ayaa waxa ay ku dhalatay magaala Madaxda Dalka Koonfur Afrika ee Cape Town ,bisadan ayaa ay dhalatay iyada oo leh laba Waji iyo Saddex indhood.

Bisadan ayaa waxa la dhashay laba bisadood oo kale kuwaasi oo si caadi ah u dhashay ,bisadaha lagu arko mucjisooyinka noocan oo kale ah ayaa waxa lagu magacaaba Janous blase khubarada Cilmiga Xaywaanka ayaa waxa ay dedaal ugu jiraan sidii ay ula socon lahaayeen xaalada Caafimaad ee bisadani oo la filayo in aanay muddo dheer jiri doonin .

Wergayska Daily Mail oo ka hadlay bisadani mucjisada ah ,Bisadan ayaa waxa ay haatab jiryaa muddo 11 Maalmood ah waxa aanay dhakhaatiirtu ku hawlyihiin sidii loo xanaanayn lahaa maadaama oo bisadaha noocan oo kale ahi aanay muddo dheer jirin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA