Hawraar (London) Waddnuhu waa xubinta ugu muhiimsan ee jidhka aadamaha hadd iyo jeerna waxa ay dhakhaatiirtu ka digaan cudurada kala duwan ee soo waajaha waddnaha kuwaasi oo halis galiya noolosha qofka.

Haweenay Muslimad ah una dhalatay Dalka Btitain ayaa waxa ay nooshahay waddna la’aan,haweenaydan ayaa waxa lagu sameeyay qalniin kadib markii uu waddnuhu xanuunay waxa aanay dhakhaatiirtu go’aan ku gaadheen in haweenaydaasi waddnaha laga saaro intaasu kadib ayaa haweenaydaasi waxa ay u ku nooshahay waddne la’aan arrintaasi oo ah arrin aad yar dunida amase aan marar badan la arag.
Haweenaydan ayaa waxa ay dhabarka dambe ku xambaarsantahay shandad uu ugu jiro waddnaheedu waxa aanay shandadaasi u qaadataa meel kasta oo ay tagto maadama oo uu ku jiro waddnaheedii uu ku shaqanayay jidhkeedu.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Salwa Xasan isla markaana ay da’deedu tahay 39 jir ayaa waxa ay gashay qalniin socday muddo lix saacadood ah waxaana ugu dambayn laga rakibay waddne sinaaci ag kaasi oo ku jira shandada dhabarka u saaran ,Salwa hadii ay hal mar ka tagto shandadaasi waxa ay waayaysaa noolosheeda sida ay sheegeen dhakhaatiirtu balse Salwa oo qof Muslimad ah ayaa waxa ay aaminsantaay in aanay saacada uu Alle SWT u qoray aanay marna dhaafayn .

Salwa ayaa ah qofkii labaad ee xaalada noocaasi oo kale ku sugan ee ku nool gudaha Dalka Britain.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA