Wiil yar oo u dhashay Dalka Lubnaan ayaa waxa uu leeyahay Awooda Bir Labta oo kale taasi oo sababaysa in wax kasta oo Macdana amase bir ah uu jiidhkiisu soo jiito isla markaana ku dhago jidhkiisa.

 

Wiilkan yar oo magiciisa la yidhaahdo Dul-Fiqaar Ibraahim ayaa waxa uu Ilaahay ku manaystay Awooda bir libta oo kale ,Halkii Millyan ee qof ba hal qof ayaa awooda noocaasi oo kale ah Alle ku Manaystaa .

Wiilkan yar ayaa waxa uu sheegay in ay dadku jeesjeesaan balse aanu waxba u arag jeesjeeska dadka maadama oo arrintaasi aanay wax dhibaato naftiisa ku haynin,Dul Fiqaar ayaa waxa uu sheegay in marka ay jidhkiisa ku dhagaan biraha iyo macdanaha kale aanu wax dhib ah haba yaraatee aanu dareemin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA