Mucjisooyinka Saddex Xagalka Bermuuda : Toban Arimood oo laga yaabo inaanad hore u maqal

Shil kasta oo diyaaradi ay biyaha badda ama badweyn ku dhacdaa waxa uu mar kale innagu soo celiyaa xusuusta boqolaal qiso oo la xidhiidha magaca Saddex Geeska Barmuuda; diyaarado dul maray oo la waayey raadkoodaba, iyo doonyo markii ugu dambaysay halkaas marayey oo aan illaa maanta wax war ah oo dambe laga maqal.

Mar kale ayaa qisaska mucjisada u eeg ee Saddex Geeska Barmuuda dib ugu soo noqdeen xusuusta kadib markii dhowaan la waayey diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada dalka Masar oo isaga gooshaysay magaalooyinka Qaahira iyo Baariis, qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaana aynu ku eegaynaa 10 xogood oo degelka Al-Masri Laayt ka qoray saddex xagalka Barmuuda.

  1. Saddex Xagalka Barmuuda waxa uu ku yaallaa Koonfurta Bari ee gobolka Falooriida ee dalka Maraykanka, gaar ahaan dhinaca galbeed ee badweynta Atlaantigga, juqraafi ahaanna waxa ay u taallaa qaab u eeg shaxda saddex xagalka oo saddexdeeda xaglood is le’eg yihiin, xagal kastana dhererkeedu dhan yahay 1500 oo Kiiloomitir, halka bedka ay ku fadhidana lagu qiyaaso Milyan Kiiloomitir oo afar-jibbaaran.

  2. Badweynta Atlaantigga halka joog ahaan ugu hoosaysa (Godka ah) waxaa lagu magacaabaa Puerto Rico godkaas cidhifkiisa ayaanu ka bilowdaa dhinac ka mid ah xaglaha saddex xagalka Bermuda.

  3. Sababta goobtan loogu bixiyey magaca Saddex Xagalka Barmuuda waxa ay la xidhiidhaa saddex diyaaradood oo dhoolla tus ahaa oo qaab saddex xagal ah u duulayey ayaa mar keliya ku wada dul dhacay goobtan oo u dhacay qaab saddex xagal ah. Illaa haddana lama oga sababta diyaaradahani u dhaceen ama xitaa wax xog ah oo la xidhiidha.

In diyaaradaha qaabkan u socdeen iyo in isla shaxdii saddex xagal ka ahayd ee ay u socdeen ay u dhacaan iyo sidoo kale in raadkooda la waayaa waxa ay noqotay arrin qasab ka dhigtay in fiiro gaar ah loo yeesho, waana taa aakhirkii keentay in Vincent Gaddis oo ahaa qoraa u dhashay Maraykanka oo noolaa intuu u dhexeysay 1913kii illaa 1997kii uu sannadkii 1964kii bixiyo magaca Saddex Xagalka Barmuuda oo ka kooban magaca marka hore goobtan loo yaqaanna ee Bermuda iyo Saddex Xagalka aynu ka soo warrannay.

  1. Waxa ay sidii ugu weynayd indhaha dunidu ugu jeesteen goobtan bishii Diisambar ee sannadkii 1945kii, kadib markii uu dhacay shilkii caanka dunida ka noqday, ee lagu waayey tiro diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Cirka Maraykanka ka mid ahaa oo tababarro dhoolla tuso ah samaynayey. Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in mar keliya la waayo Lix diyaaradood, iyo 27 ruux oo saarnaa, illaa maantana aan wax raad ah laga arag.

  2. Macneyaal aad u kala duwan oo qaarkood indho Cilmi ah ku eegayaan Saddex Xagalka Barmuuda qaar kalana aragtiyo khuraafaad ah ku fasirayaan ayaa laga bixiyey mucjisadan ku ladhan Saddex Xagalka Barmuuda, tusaale ahaan waxaa jira khubaro aaminsan in dhulka ay Saddex Xagalka Barmuuda ku fadhido uu ku jiro dhagax si aad u awood badan u birlabaysan, halka kuwo kalana ay ku sheegaan in ay goobtan ku dhaqan yihiin Noole Samaawi ah, iyo in ay ahaan jirtay qaarad lagu magacaabo Atlaantis oo waayo hore qaraqsoontay, halka kuwo kalana sheegaan in goobtan uu Shaydaan deggen yahay, waana sababta aad mararka qaarkood u arkayso dad ku magacaabaya, Saddex Xagalka Shaydaanka.

  3. Saddex Xagalka Barmuda waxa uu muran aad u badan ka dhex abuuray culimada Sayniska iyo cilmaadhayaasha caalamiga ah, aragtiyaha qaar waxa ay taageersan yihiin in goobtan ay dul maraan waxa lagu magacaabo Suxuunta wareegta (Duusha) oo iyaguna ah arrin kale oo aan fasiraad cilmiya oo sugan loo hayn, balse qisas kala duwan laga sheego. Aragti kalana waxa ay xoojinaysaa fikirkaas aynu hor u soo sheegnay ee odhanaya sirta goobtan oo dhami waxa ay ku timid xuf-is-jiidad xooggan oo badda gunteeda ka imanaya

  4. Saynisyahanno u dhashay dalka Noorway ayaa iyaguna sannadkan 2016ka sheegay in ay ogaadeen godad sababa qaraxyo waaweyn oo ku dhacay kaabsallo ah neefta Methane, oo ku ururtay badda gunteeda, iyada oo godadkan la helay ballacoodu gaadhayo 500 oo mitir, halka jooggooduna hoos u gaadhayo 45 Mitir, waxa ay khubaradani aaminsan yihiin in neefaha ka soo baxaya godadkani ay sabab u yihiin in uu heer kulkulka biyuhu si aan caadi ahayn kor ugu kaco, oo inta ay biyuhu karaan ay sameeyaan xumo kubbad hawo ku jirto oo kale ah oo hoos u gaadhaya 150 fuudh, ballacooduna dhan yahay 750 mitir, taasina ay sabab u noqonayso in doonyuhu ay ku qarqoomaan. Sida ay arrintani diyaaradahana saamaynta ugu yeelatay waxa aynu ku eegaynaa qodobka Saddexaad.

  5. Saynisyahannadan reer Noorway waxa ay aaminsan yihiin in neefahan ka soo baxaya godadkan aynu soo xusnay ay kor ugu soo baxeen hawada sare ee Saddex xagalka Bermuuda ku beegan, taasina ay sababtay in ay diyaaraduhuna qarsoomaan.

  6. Illaa maanta oo xilligii diyaaradaha dagaalka ee Maraykan lagu dul waayey Saddex Xagalka Bermuuda laga joogo in ka badan 71 sano, weli ciidamada Badda ee Maraykanku waxa ay diiddadn yihiin in ay aqoonsadaan magac bixinta aynu isticmaalayno ee ah Saddex Xagalka Bermuuda, waxa ay sidoo kale diiddan yihiin in la sheegaba ama lala macaamilo oo ciidamada iyo culimada sayniska ee la shaqeeyaa ay baadhis iyo dabagal ku sameeyaan.

Saynisyahannada milateriga ee ciidamada cirka ee Maraykankuna waxa ay ku adkaysanayaan in sheekada Bermuda ay tahay khuraafaad iyo sheeko baraley la allifay sannadkii 1964kii oo ah markii uu magacan Saddex Xagalka Bermuuda baxay sida aynu kor ku soo xusnay.

  1. Saddex Xagalka Bermuuda ma’aha sida ay dadka qaar ka aaminsan yihiin ee sheegaysa in uu yahay bad mar kasta kacsan, oo mawjado aad u waaweyn leh, ama wax lala yaabaa ay ka muuqdaan aragtideeda duleed, balse waa gobol deggen oo marka la eego aanay ka muuqan wax dareen cabsiyeed iyo xitaa shaki yar dhalinayaa. Hawadeedu waa ay deggen tahay, sida dabiiciga ah ee dhulka kale ayaa aanu dhaq-dhaqaaqa hawadu u socdaa, hirarka caadiga ah ee biyaha badda uu ku sameeyana ku samaynayaa.

Weliba taariikhda waxaa ku cad in bad-mareenkii Christopher Columbus uu doontiisa ku maray goobtan saddex xagalka Bermuuda oo weliba markaas ay ahayd goob biyaheedu deggen yihiin, laakiin haddana uu isagu arkay wax yaabo aan aragtida beni’aadamka caadi ku ahayn, sida ilays ka yaabiyey oo uu ku arkay cirka ka sarreeya goobtan, iyo jiheeyihii uu isticmaalayey oo si aan caadi ahayn shaqadiisu u khalkhashay intii uu goobtan ku gudo jiray. Dhammaad.

Faalo Ka Dhiibo

comments