Mulkiilaha Shabakada Facebook Oo 25-Milyan Dollar Ugu Deeqay Mashruuca La Dagaalanka Xanuunka Ebola

Mulkiilaha shabakada xidhiidhka bulshada ugu wayn dunida ee Internet-ka Facebook, ayaa shan iyo labaatan milyan oo dollar ugu deeqay, ololaha la dagaalanka xanuunka Ebola ee caalamiga ah sida ay ku warantay, wakaalada wararka ee Reuters.

Aasaasaha shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa bayaan uu soo saaray, waxa uu ku sheegay, in lacagtaas uu gacanta ka gelin doono, Xarunta ka hor taga iyo ka warhaynta cudurada u qaabilsan wasaarada caafimaadka dalka Maraykanka oo lagu magagacaabo, (Center for Disease Control and Prevention (CDC).

Mulkiilaha Shabakada Facebook, Mark Zuckerberg, oo ka hadlaya halista cudurka Ebola dunida u leeyahay, ayaa sheegay in cudurkaasi wakhtigan u muuqdo mid ka baxay gacanta, halistiisuna gaadhsiisan tahay heer u dhigma cudurada AIDS-ka, Polio-yada iyo Malaria-da oo kale.

Markii uu Mark Zuckerberg shan iyo labaatanka milyan ee dollar uu ugu tabarucay, la dagaalanka cudurka Ebola ayaa waxa si deg deg ah uga mahad naqay, xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka u qaabilsan, John Kerry, kaas oo deeqdan uu bixiyay Mulkiilaha Facebook ku tilmaamay, go’aan geesinimo ah, isla markaana muujinaya deeqsinimo qoto dheer.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa isagu dhawaan ku dhawaaqay in cudurka Ebola, ka mid yahay, dhibaatooyinka halista ku ah aadamiga iyo dunida waxaanu ku baaqay in dawladiisu ka gasho dedaal dheeraad ah, sida wararku sheegayaana waxa dawlada Maraykanku u qondaysay lacag tiro badan oo lagaga hawl geli doono, la dagaalanka cudurka Ebola oo ilaa afar kun oo qof u dhinteen, inta laga war hayo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply