Munaasibadii Ducada Maxamed Cali Kalaay Oo Bilaabantay

Waxaa ka bilaabantay gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka munaasabadda lagu sharfayo aaska feedhyahanka caanka ah ee Maxamed Cali, oo geeriyooday todobaadkii hore, isagoo 74 jir ah.

Kumanaan qof oo ay ku jiraan muslimiin adduunka oo dhan isaga timid, ayaa ka qaybgalaya xaflad duco ah oo ka dhacaysa hoolka xornimada ee magaalada uu ku dhashay Maxamed Cali ee Louisville.

Munaasabadda ayaa toos loo sii daynayay, iyadoo muslimiin badan ay rajaynayaan in uu aaska Maxamed Cali muujin doono doorka uu dhinaca wadaaga uu Islaamku ku leeyahay nolosha Maraykanka.

Imaamka magaalada California, Imam Zaid Shakir ayaa hogaaminaya ducada.

Wuxuu dhinac taagnaa Maxamed Cali markii uu geeriyooday.

Hoolka xornimada ee magaaladiisa, ayaa ahaa goob uu ka dhacay tartankiisii feerka ee ugu dambeeyay.

Beri oo Jimce ah ayaa aaska Maxamed Cali uu dhacayaa.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments