Neymar Oo VinDiesel & Deepika Kala Qaybgaadan Doona Filimka xXx

Xiddiga kubada cabta ee  reer Brazil oo 23 sanno jir ah ayaa kala soo muuqan doona filimka xXx: The Return of Xander Cage aktarka caanka ah ee Vin Diesel, laakiin weli lama sheegin  doorka uu ka ciyaarayo filimkaan.

12 sannadood ka dib ayuu filimka XxX ku soo laabanayaa shaashadaha iyadoo Vin Diesel uu filimkaan la wado Samuel L. Jackson, Ruby Rose iyo heesaaga Nicky Jam.

Aktarka wada filimkaan ee Vin Diesel ayaa Instragram soo dhigay sawir isaga iyo Neymar ah, waxaana uu ugu yeedhay mid dabiici ku ah duubista filimaanta maalintiisii ugu horeysay ee jilitaanka.
Waxa uu soo qoray: “Waxaa sharaf ii ah inaan ku dhawaaqo in Neymar uu duubay maalintiisii ugu horeysay ee filimka XxX. Waa mid dabiici ah!!!”

 

Faalo Ka Dhiibo

comments