Nin Da Ah Oo U Dhashay Dalka Australia Oo Rikoodh Cusub Ka Dhigay Dabaasha Dadka Waawayn !

Nin u dhashay Dalka Australia oo aad u da wayn ayaa waxa uu ku guulaystay tartanka dabashaa waxa aanu dhigay rikoodh cusub oo aanay dadka da’da waawayn hore uga gaadhin dabaasha .

Ninkan ayaa waxa ay da’diisu tahay 99 jir waxaana magiciisa la yidhaahdaa Queensland waxa aanu muddo 56 ilbidhiqsi ah uu ku dabaashay masaafo dhan 50 mitir sidoo kalana waxa uu muddo laba daqiiqo ah ku dabaashay masaafa dhan 100 mitir.

Ninkani ayaa waxa uu sidaasi ku noqday qofka ugu dabaasha badan dadka ay isku da’da yihiin waxa aanu sheegay in uu guushaasi aad ugu faraxsanyahay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com