Nin Gacantiisa Ku Qoray Kitaab Qur’aan Ah Oo Dhererkiisu Yahay 700 mitir Ah

Nin reer Masar ah oo waxbarashada iskuulka dhexda ku joojiyay ayaa rajaynaya in uu taariikh sameeyo ka dib markii uu saddex sano qorayay Kitaab Qur’aan ah oo uu rumaysan yahay in uu yahay kan ugu wayn adduunka oo dhan.

Sacad ayaa xardhay oo si qurux badan gacantiisa ugu qoray Kitaabkan Qur’aanka ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir.

Maxamed oo ku nool magaalada Belqina oo waqooyiga Qaahira ku taalla ayaa ilaa iyo hadda bixiyay wax kaste o ku baxay mashruuciisan.

Rajo wayn ayuuna ka leeyahay Kitaabkan.

 
Ninkan aan iskuulka dhamaynin kitaabbo kale ayuu gacantiisa ku qoray
 
Shan daqiiqo oo socod ah ayay kugu qaadan goobta uu ku fadhiyo kitaabka

Wuxuu rumaysan yahay in Kitaaabku uu gali dooni diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah ee Guinness World Records.

Wali diiwaankaas lama galinin Kitaabka quraanka ah ee ugu wayn caalamka ee gacan lagu qoray.

Laakiin si uu rajadiisa uga miro dhaliyo wuxuu u baahan yahay in laga caawiyo kharashka uu u baahan yahay.

“Dhererka Kitaabkan Qur’aanka ah waa 700 mitir, dabcan waraaqihiisana lacag badan ayaa ku baxday, ayuu ku yiri Telefishinka wakaaladda wararka ee Reuters.

“Anigaa mashruucan maalgalinayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waaxana ahayn qof iska caadi ah oo ma haysto hanti iyo wax kale toona.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxamad ayaa ilaa iyo hadda la baxay shilin kaste
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Laakiin hadda wuxuu rajaynayaa in uu caawimaad helo si uu ugu tartamo diiwaanka waxyaabaha mar la aragga ah
 

Faalo Ka Dhiibo

comments