Dadka nasiibka badan ayaa waxa mararka qaar ay hanti badan ka helaan meel aan ka filayn waxaana dadkaasi mararka ay ciidu u noqotaa Dahab .

Shirada soo saarta qalabka lagu goglo guryaha

 

Nin u dhashay Dalka Sweden ayaa waxa uu noqday nin aad u nasiib badan ,ninkaasi ayaa waxa uu lahaa beer yar waxaanay beertaasi isku badashay Imbiraadooriyad dhaqaale badan ku fadhida waxa aanu wax soo saarka beertaasi uu ku faafay 49 Dal.

 

Ninkaasi oo magiciisa la odhan jiray Ingvar Kampard ayaa waxa uu aasaasay shirkada qalabka lagu goglo guryaha ee haatan dunida ka ah Maarkada koowaad ee loogu jeclyahay ee IKEA ,Ingvar ayaa waxa ay da’diisu ahayd markii uu shirkadaasi aasaasay 17 jir ,waxa aanu xiligaasi bilaabay in uu maanulo beertooda oo ku taala tuulada Aguaniard ee dalkaasi tuuladaasi oo ah tuulo qabaw badan .

 

Shirkada IKEA ayaa waxa uu maalqabeebkaasi ku bilaabay raasmaal aad u yar oo uu aabihii siiyay waxa aanu si toos ah u hir galiyay shirkadaasi sanadkii 1947kii,intaasi kadib ayaa waxa ay dadkii u dhashay Dalkaasi bilaabeen in ay ka iibsadaan Kampard alaabta ay guryahooda dhiganayaan ,balse sanadkii 1955kii ayaa waxa Kampard dagaal aad u ba’an ku soo qaaday warshadihii ugu waawaynaa dalkaasi ee soo saari jiray qalabka lagu goglo guryaha,waxa aanay xiligaasi ku eedeeyeen Kampard in uu alaabta uu sameeyo ku iibiyo qiime aad u hooseeya arrintaasina ay sababtay in alaabaha ay soo saaran laga iibsan waayo.

Intaasi kadib ayaa waxa uu bilaabay Kampard in uu alaabtiisa u dhoofiyo dalkaasi debadiisa waxa aanu wax soo saarkiisu gaadhay 49 dal,Kampard ayaa waxa uu geeriyooday maalintii axadii ee 28kii bishani ,waxa aanay da’diisu ahayd 91 jir .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA