Nin Haweenay Ay Daris Ahaayeen Qudha Ka Jaray Kadib Markii Ay Ku Badisay Waydiinta Su’aalo Ku Saabsan Guurkiisa!

Nin u dhashay Dalka Indonesia ayaa waxa uu ku kacay arrin aad u fool xun taasi oo ka baxsan bani’aadam nimada,ninkaasi Indonesian-ka ah ayaa waxa uu qudha ka jaray haweenay ay daris ahaayeen oo waydiin jirtay su’aalo ku saabsan xaaladisa gaarka ah iyo sababta uu u guursan waayay.

 

Haweenayda qudha laga jaray ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Isian waxa aanay da’deedu ahayd 32 ,ciidamada Amaanka Dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in dambiilahaasi magiciisa la yidhaahdi Faa’is Nuuradiin .

Haweenayda qudha laga jaray ayaa waxa ay booqatay Aqalka uu daganyahay Faa’is Nuuradiin waxa aanay u sheegtay in ay waajib tahay in uu guursado maadaama oo ragga ay dariska yihiin oo dhami ay wada guursadeen.

Faa’is ayaa waxa uu aad u cadhooday su’aashii ahayd maxaad u guursan wayday intaasi kadibna waxa uu qudha ka jaray haweenaydaasi waxa aanu qaatay telefankeedii gacanta iyo lacag ay lahayd balse ciidamada Amaanka ee Dalkaasi ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com