Hawraar (Jechon) Haddii aynu hore u maqli jirnay Nin Duula oo Magiciisa la yidhaahdo Super Man oo had iyo jeer Ku jira Aflaamta ay Caruurtu Daawadaan waxa arrintaasi kaga dhabeeyay nin u dhashay Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Ninkan ayaa waxa la sheegay in uu ka soo booday Dabaq ka kooban 8 Dabaq kadib markii dabaqaasi oo uu deganaa dab qabsaday.

Ninkan ayaa waxa laga qaaday sawiraan kadib markii uu si nabad qab ah uu ugu soo dhacay gogol ka samaysan buush oo ay u sii dhigeen Ciidanka Dab-demiska ee Dabka ka kacay dabaqaasi daminayay .

Ninkani ayaa waxa loogu Magac daray Super Man taasi oo macnaheedu yahay in uu si khatar ah uga badbaaday dabaqaasu dheer ee uu ka soo booday.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA