Nin Lagu Ganaaxay Lacag Dhan 135000$ ,Sababtuna Waa Fariin Cay Ah Oo Uu Ku Diray Email-kiisa!

 

Maxkamada Magaalada Dubai ayaa waxa ay xukun xabsi muddo saddex bilood ah ku fulisay nin ajnabi ah oo ku nool Magaaldaasi.

Maxkamada ayaa sidoo kale waxa ay ninkani ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 135000 oo Dollar.

Ninkan ayaa waxa lagu eedeeyay in uu Email-kiisa ka diray fariin ay ah taasi oo uu diray goob ka tirsan goobaha xukuumiga ah taasi oo aan shaaca laga qaadin goobta rasmiga ah ee ay tahay .

Talaabadani ayaa waxa ay xukuumada Imaarada Dubai ku sheegeen in ay ka qayb ka tahay Dedaalka loogu jiro la dagaalanka danbiyada iyo xadgudubyada Electronic ah .

Dalka Imaaraadka ayaa waxa ka jira Qanuun u gaar ah danbiyada ay dadku ku kacaan xiliga ay adeegsanayaan noocyada kala duwan ee Tiknaloojiyada waxaana ka mid ah danbiyadaasi Cayda ,sidoo kale ninkaasi ayaa waxa uu qirtay in uu dambigaasi galay sababta ku kaliftayna ay tahay in goobtaasi xukuumiga ahi ah ka qaaday imtixaan dhawr jeer isla markaana uu ku dhacay imtixaanadaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com