Nin Muslim Ah Oo Faransiiska Ka Badbaadiyey Qarax Dili Lahaa 80 Million Oo Madaxweynaha Wadankasi Ku Jiro.

Waardiye muslim ah oo ka shaqaynayey garoonka kubadda cagta ee Paris ayaa sabab u ahaa in ay badbaadaan xulalka qaranka ee Faransiiska iyo Jarmalka iyo 80 kun oo ahaa daawadayaal uu ku jiro madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande

, kadib markii uu mid ka mid ah raggii fulinayey qaraxyadii Faransiiska uu u diiday in uu gudaha u galo garoonka ay ciyaartu ka socotay.

Ninkan oo sababo ammaanka la xidhiidha awgeed la sheegay magaciisa koowaad ee Suhayr ah oo keliya ayaa ka shakiyey dareenka iyo muuqaalka ninkan walxaha qarxaa ku rakibnaayeen kadibna u diiday in uu gudaha u galo garoonka. Ninkan laga shakhiyey ayaa markii uu arkay in Suhayr aanu u ogolayn in uu gudaha galo illaa uu maro qalab baadhitaan oo dadka laga shakiyo la marinayey. Ninkii weerarka damacsanaa markii uu arkay go’aanka Suhayr ee aanu dhaafi karin ayaai nta uu dib u cararay uu qarxiyey walxihii uu sitay oo uu ka mid ahaa suun dhexda ugu xidhnaa.

Wargeyska Al-Misri oo qoray warkan kana soo xiganay “Qaraxii koowaad waxa uu dhacay wareeggii koowaad ee ciyaarta oo dhexda maraya, laakiin dadka Faransiiska oo caado u leh in ciyaaraha waaweyn ay qarxiyaan Rash awgeed qaraxani dadka badankoodu qaraxan wax weyn uma ay arkin” Suhayr oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxa aan u haystay in arrintani aanay warwar lahayn, laakiin didsani badan oo dadka weyjiyadooda ka muuqatay iyo madaxweynihii oo dhaqso u baxay ayaa aan ku xaqiiqsaday in arrintu sida aan moodayey ka khatarsan tahay, in yar kadibna waxaa la ii soo sheegay warka silsilad qaraxyo ah oo dhacay.

proxy

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com