Nin Shiine Ah Oo Sida Dugaaga Oo Kale 12-Sanadood Khafis Ugu Xidhay Xaaskiisa

Nin u dhashay dalka Shiinaha oo wakhtigan waayeel ah, ayaa wakaaladaha wararka ee dalkaas u soo bandhigay dhacdo xanuun badan oo aad looga wada yaabay, taas oo ku saabsan xaaskiisa oo ku curyaantay khafis sida kuwa dugaaga dad qaadka ah lagu xidho oo kale, halkaas oo uu muddo labo iyo toban sanadood ah uu ku xidhay.

Ninkan oo lagu magacaabo, Liu Jin Dong, 64-jirna lagu sheegay da’diisa, waxa uu wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua uga waramay, sidii uu ku guursaday gabadhan, taas oo iyada lafteedu ahayd xaalad sharci daro ah, oo ka mid ah kuwa ugu xun dunida.

Sida uu ninkani sheegay waxa uu gabadhan ka iibsaday kooxaha ka ganacsada aadamiga ee siyaabaha sharci darada ah u iibsha dadka, kuwaas oo markii ay ka iibsheen ka dib uu xaas ka dhigtay, waxaana markii xidhiidhkoodu xumaaday ee uu ka baqday inay ka baxsato uu dan biday inuu ku xidho khafiska ay ku curyaantay, halkaas oo ay 12-sanadood ku jirtay.

201411060136153Liu Jin Dong, oo ka waramaya sababta uu talaabadan cadaawada ah uga qaatay haweenay uu xaas ka dhigtay oo xilla u noqotay, waxa uu yidhi, “Anigu waxaan ka dhashay qoys sabool ah, waxaana khasab igu noqotay inaan koriyo, carruurtii aanu walaalaha ahayn, xaaladaasi waxay I dhaafisay, guurkii iyo nolosha macaankeedi, waxaanan gaadhay konton jir, wakhtigaas oo aan dareemay in aan kali ahay, gabow iyo cimrina I haleelayaan, waxaan dabadeed go’aansaday in kooxaha sharci darada uga ganacsada dadka aan ka iibsado gabadh, suuq madow ah oo aan xaas ka dhigto.”

Liu Dong, ayaa isaga oo sii wada hadalkiisa waxa uu yidhi, “Waxa gabadhan ii soo xushay haweenay aanu aqoon isku leenahay, waxaanan sidaa kaga dhigtay, xaas sanadkii 2000, ka dibna deg deg ayay uur u qaaday, oo waxa ay ii dhashay, wiil taas oo sida aan dareemay buuxisay riyadaydii sababtoo ah? Waxaan ka helay ubad.

Sida uu sheegay ninkani muddo sanad iyo dheeraad ah oo uu qabay gabadhaas, muu garan karayn magaceeda, lamanuu joogi jirin oo sidii xaas oo kale ulamuu dhaqmi jirin, waxaanay taasi ku keentay in xaaladeeda caafimaad is badasho, xanuuna kaga dhaco dhimirka, kaas ku keenay inay noqoto qof qalafsan oo dagaal badan.

Markii xaaladeedu gabi ahaanba is badashay ayuu go’aansaday ninkani inuu gabadhaas ku xidho khafis xadiid ah, halkaas oo uu ku ilaaway, ilaa heer nolosheeda oo dhami is badashay, wakhtigana ay u naafowday, xabsigaas khafiska ah ee lagu xidhay muddada labo iyo tobanka sanadood ah.

Liu Dong ayaa dadka ku dhaqan dalkaas ka codsaday, inay ka caawiyaan, xaalada xaaskiisan uu sida dugaaga oo kale ula dhaqmay, isaga oo ku dooday in aanu awoodi Karin, lacag uu ku geeyo cusbitaal lagu daweeyo oo uu dan yar yahay, waxaanu tilmaamay inuu aad uga xun yahay sidii wax u dhaceen iyo dhibaatada uu u gaystay xaaskiisa.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply