Ciidamada Billayska Dalka Italy ayaa waxa ay sheegeen in nin u dhashay Dalkaasi isla markaana dirawal baabuur ahaa uu rasaas ku furay dad Ajaanib ah oo meelo wado ah socday.

Goobta uu Ninka cadaanka ahi ku rasaaseeyay dadka Afrikanka ah

Ciidamada Billayska Dalkaasi ayaa waxa ay xaqiijiyeen in rasaastaasi ay dhaawacday 6 qof isla markaana aanah jirin wax dhimasha ahi ,4 ka mid ah dadkaasi dhaawacmay ayaa waxa la sheegay in uu dhaawacoogu aad u culusyahay sidoo kalana waxa la xaqiijiyay in dhamaan dadkaasi ay yihiin dad ajaanib ah .

Dadkani ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka soo jeedaan qaarada Afrika waxaana la filayaa in ninkaa cadaanka ah uu u weeraray dadkaasi arrin ku salaysan Cunsuriyad sida ay sheegeen wakaaladaha wararka ee Dalka Italy.

Dhacdadani ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Matishraa ee badhtamaha Dalka Italy,duqa magaaladaasi ayaa waxa uu u soo jeedayay dadka ku dhaqan Magaaladaasi in ay guryahooda aanay ka soo bixin ilaa iyo inta la ogaanayo sababta arrintaasi dhalisay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA