Nin u dhashay Dalka Sucudiga ayaa waxa uu si badheedh ah Mindi qoorta uga galiyay Nin Ajnabi oo ay masaajid ku wada tukanayeen .

Dhacdadan aadka u foosha xun ayaa waxa ay ka dhacday magaalada barakaysan ee Makka waxa aanay labadan nin ku wada tukanayeen,balse nasiib dambiilihii ku kacay falkaasi ayaa waxa qabtay dadkii ku tukanayay masaajidkaasi waxa aanay u dhiibewn ciidamada Amaanka ee Magaalada barakaysan ee Makka .

Ciidamada Amaanka ee Magaalada Makka ayaa waxa ay sheegeen in ay dambiilahaasi gacanta ku hayaan sidoo kalana ninkaasi ajnabiga ah ay dhakhtarka si degdeg ah ula gaadheen .

Ciidamada Amaanka ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in xaalada caafimaad ee ninkaasi ay aad u wanaagsantahay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA