Nin u dhashay Dalk Britain oo magiciisa la yidhaahdo Toni Holand ayaa waxa uu ka caban  jiray Miisaankiisa oo xad dhaaf ahaa.

Toni ayaa waxa uu muddo yar oo kooban iskaga riday in ka badan 80 Kg oo miisaankiisa ka mida ,waxa aanu arrintaasi ku tilmaanay in ay tahay arrin mucjiso ah.

Sawirka Toni ayaa ah ka aynu arkayno kaasi oo muujinaya qaabkii uu ahaa ka hor intii aanu baruurta xad dhaafka ah iska ridin iyo kadib markii uu is dhuubay.

Haddaba Toni ayaa waxa uu sheegay in aanu wax dhib ah u soo marin sidii uu baruurtaasi iskaga ridi lahaa balse uu ki dedaalay oo kaliya in uu cuno cuntooyin dabiici ah .

Toni ayaa sido kale sheegay in cuntooyinka samayska ah ee sida Humberger ka oo kale ay yihiin kuwa sida xad dhaafka ah u kordhiya Miisaanka qofka ,waxa kale oo uu sheegay in uu hal mar cini jiray shan xabo uu Humberger ah balse markii uu iska daayay cuntooyinka noocaasi oo kale ah uu miisaankiisu hoos u dhacay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA