Ninkii Sameeyay Filimada Titanic, Terminator Iyo Avatar Oo Ka Waramay Waxa U Qorshaysan Mustaqbalka

James Cameron oo ka mid ah, dadka filimada sameeya kuwooda loogu jecel yahay, isla markaana ku suntan shanti filim ee ugu qisada iyo saamaynta waynaa rubuc qarnigii u danbeeyay, oo maalintii shalay u dabaal degay lixdan guurada dhalashadiisa ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa nololeed iyo waxa u qorshaysan.
James Cameron oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Kanada waxa uu sameeyay filimadii guusha ugu wayn ka soo hooyay dhinaca iibka suuqyada iyo abaal marinta Oscar-ka, filimada uu soo saaray waxa mid ah filimkii sida wayn dunidu uga daba dhacday ee Titanic oo uu soo saaray sanadkii 1997-kii.

Filimkaas waxa todobaadkii ugu horeeyay oo kaliya laga macaashay 11-Milyan oo dollar, waxaanu noqday filimka kaliya ee ku guulaystay sideed abaal marinood oo Oscar-ka ah, kuwaas oo uu labo ka mid ah ku guulaystay James Cameron, waxaanay kala ahaayeen soo saarihii ugu wanaagsanaa iyo isku duba ridihii ugu fiicnaa.

Waxa kale oo isna si wayn looga macaashay filimkiisi ugu danbeeyay ee Avatar oo isaga laftiisu ka mid noqday filimada khiyaalka ee ugu wanaagsan, qaabka loo matalayna dhamaantii ku salaysan yahay habka duubista 3D-ga loo yaqaano.
James Cameron ayaa markii ugu horaysay ee dunidu barato waxa uu ku soo caan baxay filimkiisi taxanaha ahaa ee (Terminator), waxaana dhamaan filimadiisa lagu tiriyaa kuwa ugu nasiibka badan dhinaca iibka iyo macaashka iyo waliba abaal marinaha ugu sareeya ee filimada.

Haddaba markii uu u dabaal degayay lixdan jir guuradiisa ayuu sheegay inuu wakhtiga nolosha uga hadhay, ku bixin doono baadhitaanada cilmi ee la xidhiidha badaha iyo khayraadka ku duugan, xirfadaas oo ah mid uu ku guda jiray dhawrkii sanadood ee u danbeeyay, isaga oo sida la sheegay bada quusay dhawr jeer, isla markaana gaadhay ilaa 35,000 feet oo bada hoosteeda ah.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply