Ninkii ugu Da’da Waynaa Dadka Ku Nool Sucuudiga oo Geeriyooday isaga oo 147 sano jiray !

Cimri dherarku waa nimco Ilaahay ku Manaysto Adoomihiisa Qaar kuwaasi oo muddo aad u dheer Dunida Guudkeeda ku noolaada.

 

 

 

Qofina ma oga xiliga uu Aduunyada ka tagi doono balse waxa geeriyooday Nin lagu tilmaamay in uu yahay qofka ugu Da’da wayn ee ku nool Dalkaasi Sucuudiga , ninkani ayaa waxa magiciisa la odhan jiray Ali Al-alkami waxa aanay da’diisu ahayd 147 sano waxa uu ku geeriyooday Magaalada Ab’ha ee Dalkaasi Sucuudiga .

 

 

 

 

 

Ninkani ayaa la sheegay in uu ku dedaali jiray Cuntada cuntooyin gaar ah waxa aanu sidoo kale ku dedaali jiray in uu cuno cuntooyin isku dheeli tiran ,waxa kale oo uu aad u necbaa in uu baabuurta raaco waxa aanu marar uu soo cimraysanyay ku taga magaalada Barkaysan ee Makka Lug isaga oo diiday in uu raaco wax gaadiid ah .

 

 

 

Ninkani yaa ugu danbayn in ka badan qarni iyo badh noola ugu dambayna waxa uu ku geeriyooday Magaalada Ab’ha ee Dalkaasi sucuudiga isaga oo ahaa qofkii ugu Cimriga dheeraa ee ku noolaa Dalkaasi ka hor intii aanu geeriyoon dhamaadki toddobaadkii hore .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com