Nolosha Quruxdabada Reer guuraga Nugasha Gobalka Sool

Filimkan waxaan kusoo qaadan dona sabarada nugaal godan ama halka loo yaqaan nugaal valey oo iyadu ah goob ilaah ku galaday xiliga barwaaqada qurux iyo nimco aanu dhulka kale ale siinin waa dhul gotin ah ciidiisuna tahay mid dihina waana meel inta badan sugaanta somalidu aad ugu amaaanen bilicda khayraadka ale ku duugay dhulkaas ee hodanka ay ku tahay Deegankan ale

 hoodada ka dhigay xiliga barwaqada wuxu si gaara ugu wacan yahay dhaqashada xoolaha uguna wanaagsan siwayna hadi ale barakeeyo ku tarmaan. goobkasto aad marto waxaad ku arkaysa dhirta ay nugaali caanka ku tahay iyado geedka haadigana looga dhigay kash kaash ama gogal

Dooxada nugaaled waxay dhareerantahay dhulbalaadhan oo u dhaxeeya togdheer sool nugaal iyo ilaa iyo sanaag labada saberna waxa ka saaran dhulka hawdka iyo dhulka soolka loo yaqaano oo buuralayda ah dooxada nugaaled waxay hodan ku tahay qaniimo faro badan oo ilaahay ku risaaqay waa dhul miniraalka iyo macdanta ale siiyay geedka ka baxa uu yahay mid ka tayo iyo tamarba badan dhulka kale dhirta ay nugaali caanka ku tahay daranta ayaa kamida waana geed dhanaan oo aad geelu u jecelyahay oo si gara nugal u ah mid ilaah khaas uga dhigay ciida dhagadka ah ee cusbada ka sameysan waa kamid qanimada xooluhu aadka u jecel yahiin ugana naaxan geelu xoolaha kuma jiro Maah maah hore u caan baxda tidhi sida la og yahay geelu waa midka ugu qaalisan xoolaha la dhaqdo waxaanay inta badan lagu tilmaama nolosha dadka, geelu waa u ka duwan yahay xolaha intiisa kale waa uu ka adkaysi badan yahay waa uu ka nacfi badan yahay geelu waxa uu leeyahay dariiqooyin iyo wadooyin loo maro dhaaqidiisa iyo helistiisaba geelu wa laba uun godol iyo gaadiid , godol waa ka lalisto waana halaha gaadiidkuna waa kala rarto waana ratiga , noocyo iyo jaadad kala duwan ayuu leeyahay , midabo ayuu leeyahay , heerar kala duwan ayuu soo maraa , aan u guda galno anoo ku horeynayaa

dagaankan nugaal inta badan waa meelaha uu ugu badan yahay waxaana uu ahaa ka sababa colaad iyo nabadba mar waa la isku dila oo lakala dhaca kaaso markaa kadib sababa naf maal iyo moodba in lagu waayo marna wa keena nabada iyo xalka oo wuxuu kaa kaxeeya dhiig la galay oo beelo ayuu nabad iyo heshiis dhax dhiga marna waxaabu ahaa xiliyadi hore mid aas aas u noqda reerka la dhisayo oo geel ninki haysta u ciyaar gudijiray inuu cashaq iyo reer sameysto oo dhiso guri iyo reer
cadkiisa iyo caanihiisuba wa dawo tayo iyo taran badan oo ale barakeeyay waa gadiid lagu guuro midka ugu fiicna xiliyo laso maray iyo hadaba dadka rer miga ah

geelu waxa dadki hore u yeeli jiray sumcad badan oo ninka geela badan waxa uu ahaa ka waxwelba xalkeeda laga sugo kaaso lagu macneen karo ka dadka kala dareerin kara dadna kala furan kara waxna bixin kara waxna ceshan kara

Halhays somaliyeed iyo sheekoyinki waayo hore laso maray ayaa lagu sheega in ninka geeliisu marka uu gadho boqol la sheegi jiray inuu laha astaamo u gaara oo lagu yaqaano marka uu 99 leeyahay ee hasha boqol qaaday ay tahay tii boqolaynaysay waxa uu fadhiisan jiray meel xerada geela u dhow marka lo sheego oo tiraabto so gadho in hashi dhashay hal wuu soo bixi jiray meel xereda u dhowna goob qalca ah ayuu ku digo xidhan jiray isago geelna ku hayn jiray xerada ilaa dadka warku wada gaadho oo la yiraahdo geelisa boqol gaadhay

geelu wuxuu leeyahay dabeecado iyo dhaqan cajiib badan wuxuuna leeyahay sugaamo aad u tiro badan oo aan laso koobi karin waxa uu geelu u fadhiista qaab iyo qorshe ay u dajiyaan dadka dhaqday
wakhtiyo kala duwan ayuu geelu hadba marin leeyahay mar waa ooman yahay mar waa cokan yahay mar waa guul mar waa guul celis hadba meel ayuu tagan yahay

wakhtiba sacadeeda iyo dhareertedu leyahay marku cabayo lama hees ah marku soconayo
markuu caraabayo lama hees ah marku qooqayo iyana waa lamido lama hees aha
markuu guulka uu yahayna lama mid ahoo wuu ka duwan yahay marku ceelka dultaagan yahay iyo marku cabayana waa ka laxan iyo midho duwan yahay markastana wuxuu leeyahay sugaan lagu maaweeliyo oo loogu heeso
waxa la xaqiijiyay dadka geela dhaqa sheegen in hadii geelu waayo heestiisi xiliga uu cabayo ama dhegahiisu maqli wayan nin codkiisu baxsan yahay oo aad u luuqad iyo hees wacan ay adag tahay in uu yeelo sida laga rabay sugana ahaan bal aynu ku eegno isago cabaya siduu codka heesta ee wiilashaa waraabinaya ugu raaxaynayaan isna uu ugu faraxsan yahay waa geeliye
Geela iyo soomaalida halkuu ka taagan yahay , amaantiisa iyo waxtarkiisa kama soo koobi karno warbixintan waa ay ka badantahay kana kana balaadhantahay waramayo halkan oo taas horaa looga soo waramay waa aynu ka dharagsanahay
GAMAANKA
gamaanku waa mid isagu dhaqashadiisa dadka somalida ugu jiray xiliyadii hore heer ka sareeya xoolaha kale waa gadiidki dagaalka waxa wuu aha quruxdii iyo bilicdi waxa uu aha fan kasta oo loo baahdo ka buuxiya

qormadeenanan waxa aynu ku eegi doona gobalka sool gamaanka iyo taariikhda uu ku laha nolosha dadka degaankaasi ku noola xili ilaa hada firkii gamaanku uu gabaabsi kusii yahay kaaso iminka noqday qaarkiis mid duurgal ah oo aan cidi lahayn iyo kuwa wali dad dhaqdaan oo si gaara loo carbiyay

fardaha waxa uu u aha dadka somalida mar gadiid ay ku dagaal tagaan marna ku guuran
farduhu wuxuu ahaa hadyadaha la biyaxiyo kuwa ugu qaalisan ee la isa siiyo sida guurka wuxu aha waxa ugu qaalisan ee gabadh lagu galbiyo ama laga bixiyo wuxuuna ahaa ruuxa la qiimaynayo sooryo ama yaradka logu daro si gaarana loogu maamuso waxa kalo la siin jiray qofka lama huraanka ah waxaana u ahaa hadyad aad iyo aad u qiimo badan oo wax lala dhiga jira walow uu ahaa quruxda indha uroon daawashadiisa iyo milicsigiisa marka lagu daansho daanshonayo

hadii aynu hoos ugu daa daagno noocyada fardaha iyo qiimaha ay kaa leeyahiin waxay leeyahiin magaco loo bixiyo oo logu nanayso qaabka ay u samaysan yahiin kuwaaso lagu qiimayo midabkooda awoodooda iyo xeeladahooda aqoontooda xirfadeed
fardolayda somalida ahayd ee degaanka taleex waxay ku qiimayn jireen faraska awoodiisa iyo tayadiisa orad ,adkaysigiisa
waa mid ku xusan sugaanta amaanta faraska iyo gamaanka kiisa caanka baxay iyo qaabkoy u hawl galaan una kala taran iyo ciidamiyaan

farduhu waxay inta badan leeyahiin dagaamo si gaara loogu yaqaano sida dooxada nugaaled iyo dagaamo ka mida gobalka sanaag
hadii aan mid mid u sharaxno fardaha iyo noocyada kala yahiin wax badan ayaad ka maqasheen sugaanta ama raga fardaha aqoonta fiican u leh iyagoo tilmaamaya noocyada ama magacyada ay ugu yeedhan marka ay alba albaynayaan waxaanay kala leeyahiin todoba midab amer. ashkir baroor.qaaje .farood,bood,bulaale.iyo caynab,
fardaha loo yaqanao xamerka ayaa wuxuu yahay kuwa midabkoodu yahay casaanka hase yeeshe isaga timaha waa madow yahiin oo seenta iyo baarkuba wa madow xamer waxa uu u kala baxa laba midab oo kala duwan waxana loo yaqana xamar madow iyo xamar cad xamar madowga waxaad mooda inuu madow yahay midabkiisa se casaan ba aku jira xamar cadkuna wa midab casaana oo cadan ku jiro ama midabka huruuda ahi ka dhex muuqato

ashkir,waa faras wada cas wuxuu se xamarka kaga duwan yahay timihiisa iyo midabkiisuba waa wada cas yahiin waan midab si aada indhuhu ugu doogsadan oo aad u qurux badan dadkuna jecel yahiin
waana faras dadku ku tilmaaman inuu yahay mid aad u wacan

qaaje.waa faras midabkiisu yahay cadaan basali ah midabkiisa majirto meel kaler kale kaga darsamo oo xitaa timaha indhaha kaga yaala waa cadaan

faraska loogu yeedho bulaalaha waxa uu yahay cadaan hase yeshe isaga cadays ayaa ku jira midabkiisa waxase uu kaga duwna yahay timaha madax iyo saynta danbe iyo jilbaha waa madow

faraska boob waa mid cadaan cawlaan xigeen ah

caynab waa faras madow oo sida tukaha ana lahayn midab qudha oo ku lamaaan waan faras inta badan lagu tilmaamo fardaha somalida
faraska la yiraahdo baroor maaha mid leh midab lagu tilaami karo oo toos ah waa faras midabo badan leh inta badana raga fardaha bartay waxay yiraahdan wuxuu u badan yahay cadaan midabo ay ku jiraaan afer midab leh ayaana lagu tilaamaama waana faraska loogu jecel yahay fardaha dhinaca adkaysiga oradka xooga intaba wa md ilaah ugu deeqay wana mid cida iska lihi mahadisay
mar sugaan lagu qiimayay ayaa gabay uu tiriyay nin abwaan ah oo fardaha aad u kala yaqaan xili uu dooxada nugaal ee magalada taleex agtiisa lagu yidhi ka xulo faraskaad rabto fardo badan ayuu wuxuu ka yidhi sidan

AROOSKA Miiga

Dib aan u milicsano dhaqan iyo caado soo jireena farxad iyo galbis aroos loo maamusay qaabki hidaheena iyo dhaqankeena barbarti ciyaar gudka iyo damashadki la hulin wayay xiisahii qalaaba roga dhalinyarada isla heshay jiibta iyo jaamta waayo waayo xasuus ma guuran ah sacab mashxarad iyo aroos lagu salaamaayo
reeraha sawxan suubani isgaadhey
bal eeg guurtiga codka baxsan ee galibiski arooska lamaanaha is calmada loogu daah furi jiray dhankaan hadaad eegtana waa hablihi oo dhankooda so galbinaya caruusada kuwaaso dhagihi maqla marna aysan ka xiiso dhacayn maamuuska qimihu guur laha
tixda sool waxa tiriyey maxamuud xasan axmed halbeeg
sool iyo saraar oo nimcada saatir ugu deeqay
oo aan salaw colaad iyo kajirin sas iyo baaruudi
oo subax intuu roobku helay waqal kusaameelay
saqdii dhexena miiraale helay saalo adhi qaaday
sagal kalena galabtii kuda ay sawdka rahu yeedhay
soonaha nugaaloo ilaah deeq nimco u siiyey
oo soo han geelii ku dhalay sabada reemaayo
oo gaawe laga soo sidoo xoorka laga saydhay
sibitoor sengaha sararo hoon gacan lasaaraynin
oo sahanka kooraha xakame cidi dulsaaraynin
oo aan seeto loo quudhin iyo saylad iyo iibka
oo saynta geenyada dhulkii saxar ka taabsiinin
oo sacab mashxarad iyo aroos lagu salaamaayo
oo sabada reeraha sawxan suubani isgaadhey
seenyooy riyihi iyo idohoo caano soconwaayey
oo sabada maqashoo xidhxidhan loo salaxay weelka
oo sixinta dhaydiyo gadhoodh saaba dhan u yaalo
oo socoto sooryada gobeed wananka loo saafay
sool ku aragnay siidh gobanimiyo boqor wuxuu siiyey

xasuusta lama ilawaanka ah iyo qiimaha gamaanku ku leyahay nugaal waa mid aan laso koobi karin bulshada ku dhaqan taleex oo iyagu ah cida wali kusii degan dhaqankii so jiraanka ahaa wuxu wali dhulkaa ka yahay mid aan wali ka guurin ciyaaraha fardo fuulka iyo taramada dhalinyarada loo qabta waa kamid xusida iyo xasuusinta halyeeyadi daraawishid lagu maamuso halku ka taagna jacaylka fardo fuulku waxaana sanad kasta 26 juun lagu qabta dagaankaasi malinti qimaha badnayd ee xoranti qarankan somaliland ama malinti cid af somali ku hadasha cidi ugu horaysay ee nasiib u heshay inay iska ridaan heeryadi gumaystayaasha si loo wayneeyo xuskaasi wax tartamo cajiib iyo layaab badan lagu qabta dhamaan degaamada nugaasha kaaso ah mid xasuustiisa iyo wacdarihiisa leh iyadoo ayna kaso qayb galaan dhamaan wiilal lo carbiyay inay mujiyan quruxda iyo heerka gamaanku u leeyahay geesiyaashi naftooda u horay ee halganka u galay inay helan nolal xor iyo xalaal ah
Nala daawada hoos filimkan qiimaha badan
Soodiyaarintii Aqani xasan geerash ( Gadari)
Suxufigadari@gmail.com
Office hawraar hargaysa

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply