Obama Oo dhigay Film Uu Shaqo Raadisyey Iyo Ganacsade Carbeed Oo U Gu Baaqay Shaqo

Waxaa toddobaadkan saxaafadda aduunku qaadaa dhigaysay  Video uu baahiyay Aqalka Cad ee Mareykanka, kaasoo ku saabsan madaxweynaha xilka baneynayna dhowaan ee Barack Obama oo shaqo loo raadinayo isagoo dhawaan horaanta sanadka soo socda ka tegi doona aqalka cad.

Video-ga oo ah  mid  loo sameeyay qaab  lagu qoslo oo jeesjees ah, waxaa ka qeyb qaadanaya Obama, xaaskiisa, madaxweyne ku xigeenka Joe Biden iyo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada John Bianer.

Obama ayaa raadinaya shaqo sida video-ga gaabani tilmaamayo waxaana lagu adkeynayaa inuu shaqo helo,  Obama ayaa ka codsanaya ku xigeenkiisa inuu ka caawiyo si uu shaqo uga helo naadiyada isboortiga, waxaana dhaceysa inuu laf ahaantiisa shaqo raadin bilaabo oo la xidhiidho naadiyada.

Obama ayaa loo sheegaya inaysan sax ahayn magaciisa oo aanay rumeysan in magaciisa la yiraahdo Barack Hussein Obama, waxaa qeyb ku leh filimka xaaska Obama Michele.
Waxaa arrinta shaqo raadinta Obama ku soo biiraya guddoomiyihii hore Golaha Wakiilada John Bainer waxayna ka wadahadlayaan sidii Obama shaqo  u heli lahaa, taasoo uu uga horeeyay waxaana ay u  jilayaan si ay ka muuqato inay dhab ka tahay arrinta.

 

John Bainer ayaa Obama kula talinaya inuu dib ugu laabto noloshiisii caadiga ahayd ee hore. Filimkan oo dad badan ay daawadeen, isla markaana si weyn u soo jiitay baraha bulshada ku xidhiidho toddobaadkan ayuu Obama ku muujiyay inuu awood u leeyahay jilitaanka Aflaamta.

Marka la eego xaalada dhabta ah ee soo wajahda madaxweynayaasha Mareykanka marka ay xilka ka tagaan waa mid aan wax welwel ah lahayn oo lacago fara badan oo malaayiin doolar ah ay ku helaan khudbadaha ay jeediyaan, xafladaha iyo kulamada lagu casuumo, Buugaagta ay qoraan iyo shirarka caalamiga ah ee ay ka qeyb galaan.

CIISE

Dhinaca kale waxay arrintan soo jiidatay Qareen Carab ah oo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo sheegay inuu shaqo siinayo Barack Obama, isagoo sheegay inuu doonayo in Obama uu barto Islaamka iyo dulqaadkiisa.

Wuxuuna yidhi Ciisa Bin Xeydar   “Madaxweyne Obama, waxaan ku soo bandhigayaa shaqo xafiiskega aad ka qabaneyso oo leh mushaar, guri aad degto iyo socdaal aad ku tegi karto dalalka Carabta… si aad u barato macnaha islaamka iyo dulqaadka diinta islamka    Ciisa Bin Xeydar  

Qareenkan ayaa u sheegay jariidda Gulf News in warbaahinta reer Galbeedka ay islaamka ka faafiyeen muuqaal xun iyadoo dadka muslimiinta ahna ugu yeedhaya argagixiso. Wuxuu sheegay in dariiqa kaliya ee reer Galbeedka loo fahamsiin karo islaamka ay tahay inay ku dhex noolaadaan Carabta iyo muslimiinta.

Faalo Ka Dhiibo

comments