Olole Ka Soo Horjeeda Muslinimada Karim Benzema Oo Paris Ka Bilaabmay

Waddanka Fransiiska ayaa waxa ka bilaabmay olole ka dhan ah weeraryahanka Muslimka ah ee Karim Benzema, kaas oo uu abaabulayo Wasiir ka tirsan xukuumadda dalkaas.

Benzema oo hore loogu maleegay shirqoollo ay gaaladu abaabushay lagu sheegayo inuu ku lug yeeshay falal cajalado fadeexado galmo ah oo laga duubay Mathieu Valbuena, ayaa waxa haddana uu wasiirka Tacliinta Iyo Ciyaaraha oo lagu magacaabo Nadine Morano, waxa uu dalka guud ahaan ka bilaabay olole uu sawir khaldan kaga bixinayo Benzema oo uu ku eedaynayo in uu candhuuf ku tufay xuskii loo samaynayey dadkii ku dhintay weerraradii Paris.

Nadine waxa uu ku doodayaa, dadkiisana olole nacayb ah ugu abuurayaa in Benzema lagu mudaharaado, isla markaana xidhiidhka dalkaas lagu qalqaaliyo in laga ganaaxo u ciyaarista xulka France.

Nadine waxa uu soo bandhigay Benzema oo candhuuf tufaya wakhti ay ciyaartooyada kale madaxa hoos u foorarinayaan.

Nadine Morano, ayaa bartiisa bulshada ku qoray: “In candhuuf lagu tufo calanka Fance! Maaha inuu mar dambe u ciyaaro France.” Sidaas ayuu ku qoray boggiisa bulshada, isagoo samaysanaya taageero uu ku doonayo in xulka qarankaas lagaga mabnuuco Benzema.

Morano oo xubin firfircoon ka ah xubnaha xisbiga Les Républicains ee uu Nicolas Sarkozy madaxda ka yahay, ayaa markiiba waxa hadalkiisa taageegay 24,000 qof.

Morano oo hadalkiisa uu ku diidan yahay Benzema sii wada, ayaa waxa kale oo uu qoray sidan:

“Waxay aflagaado ku tahay dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay weerarkii argagixisada iyo guud ahaan waddanka France.”

“Qofna iskama indho tiri karo saamaynta ay ciyaartooyadu ku leeyihiin da’yarta oo ay u yihiin kuwo ay ku daydaan dabeecad ahaan. Markii loogu dulqaatay iyadoo lagu qaylinayo garoomo badan wakhtiyo badan, hadda waxa laga gaadhay xilligii aanu dib u xidhan lahayn shaadhka France. Waa in si rasmi ah looga saaro xulka.” Sidaas ayuu yidhi mar kale.

Ololahan ayaa waxa uu salka ku hayaa in uu Karim Benzema yahay nin Muslim ah oo asal ahaan ka soo jeeda waddanka Algeria, kaas oo waliba ku adag dhaqankiisa iyo diintiisa Islamka ah.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com