Dalka Pakistan ayaa waxa lagu tilmaamaa in uu yahay Dalalka ugu kufsiga badan  Qaarada Asia ,dalka Pakistan ayaa waxa toddobaadkii hore ka dhacday dhacdo aad u naxdin badnayd taasi oo ahayd in gabadh yar oo u dhalatay Dalkaasi oo 7 jir ahayd la kufsaday isla markaana la dilay .

 

Dadka u dhashay Dalkaasi ayaa waxa yaab iyo anfariir ku noqotay gabadh yar oo kale oo 4 jir ahayd oo la kufsaday isla markaana qudha laga jaray.

Wargeyska The News ee ka soo baxa Dalkaasi ayaa waxa uu baahiyay Fal Kufsi ah oo lagula kacay gabadh yar oi da’deedu aanay dhaafin 4 jir ,gabadhaasi yar ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Asma waxa aanay ku noolayd Magaalada Mardan ee Dalkaasi .

Maydka gabadhaasi ayaa waxa laga helay goob lagu daadiyo qashinka waxa aanay waalidka gabadhaasi waxa ay xukuumada ka codsadeen in ay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo dhigaan Nimanka la tuhunsanyahay .

Dhacdadani ayaa dhacday maalma uun kadib markii Dalkaasi lagu kufsaday gabadh yar oo 7 jir ahayd,waxa aanay Dadka dalkaasi u dhashay dawlada ugu baaqeen in ay arrintaasi si degdeg ah wax uga qabato.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA