Ciidamada Dalka Pakistan ayaa waxa ay baahiyeen sawiro nin la tuhansanyahay in uu jyahay ninkii Kufsaday gabadhii yarayd ee Saynab Ansaari kadibna dilay maalintii salaasadii ee toddobaadkii hore.

Sawirka ninkan ayaa waxa laga helat Muuqaal ay duubtay Kmarad ku ag taalay Gurigii gabadhii yarayd ee Saynab ,muuqaalkaasi oo muujinayay isaga oo ku dul wareegayaa gabadhii yarayd ee Saynab gurigooda.

Badhitaano badab oo la sameeyay ayaa waxa lagu xaqiijiyay in ninka la tuhansanyahay in uu Kufsaday isla markaana dilay Saynab uu yahay ninkaasi haatan la raadinayo waxaana arrintaa lagu xaqiijiyay badhitaan lagu sameeyay hidde sidaha ninkaasi ,waxaanay baadhitaanadu sheegayaan in hidda sidaha ninkaasi laga helay ilaa iyo gabdhood oo la kufsaday kadibna la dilay.

Si kastaba ha ahaate shacabka Pakistan ayaa waxa ay xukuumada dalkaasi culaysa ku saareen in ninkaasi gacanta lagu soo dhigo.

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA