Poland: Diyaarad Rakaab oo Halis gashay,Si Deg Deg Ahna U Caga dhigatay!

 

Diyaarad Rakaab oo laga leeyahay Dalka Poland isla markaana ka  mid ah diyaaradaha shirkada Lot ee laga leeyahay Dalkaasi, ayaa waxa ay   ka soo kacday gegada Diyaardaha ee Krakow isla markaana  waxa ay u socotay Magaalada Warsaw ee isla dalkaasi.

Diyaaradan ayaa waxa la sheegay in ay siday 59 Rakaab ah isla markaana ay dhamaantood nabad qabaan,diyaaradan ayaa waxa uu khalkhal ka soo waajahay dhinaca Taayirada hore ee diyaaradaasi kuwaasi oo si toos ah u shaqayn waayay.

Khalkhalka soo waajahay Diyaaradaasi ayaa waxa uu aragax galiyay dhamaan rakaabkii saarnaa diyaradaasi balse nasiib wanaag waxa ay si nabad qab ah u soo caga dhigteen gegada Diyaaradaha ee Magaalo Madaxda Dalkaasi ee Warsaw.

Afhayeen u hadlag Shaqaalaha Madaarka Magaalada Warsaw ayaa waxa uu sheegay in madaarku uu xidhnaa muddo afar saacadood ah isla markaana la hubiyay nabad qabka dhamaan rakaabkii iyo shaqaalihi diyaaradaasi oo dhamaantood ay nabad qabaan isla markaana laga shaqeeyay diyaaradaasi ,intaasi kadibna dib loo furay madaarkaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com