Waxaa daaha laga qaadaey in filimka taxanaha ah ee caanka ah ee Don 3 ayna ka qayb gali doonin jilistiisa priyanka chopra oo horey atriishad ama aktarad koobaad uga ahayd labada qaybood ee hore ee laga sameeyay filinkan

Xogogaal ka tirsan shirkada Excel Entertainment oo ah shirkada maalgalisay Filinka Don 3 oo uwaramey wargeyska International Business Times ayaa sheegay in priyanka Chopra ayna ka qayb galeyn
Shah Rukh khan iyo Directorka farhan Akhtar waxay ku heshiiyeen in duubista Don 3 la bilaabo sanadka dambe bartamihiisa isla markaana la baahiyo sanadka 2017
ka maqnaasha priyanka chopra ayaa lagu sababeeyay iyadoo filimo badan gacanta ku haysa sidaa darteed aanay suurta galayn inay kasii mid ahaato qaybta 3aad ee filinkan taxana ah ee Don

KA DHIIBO FIKIRKAAGA