Ciidamada Xukuumada Wifaaq Dalka Liibiya ee loo yaqaano Quwaat Al-radac ee gaarka ah ayaa waxa ay sheegeen ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah Magafayaashii jidh dilka u gaysan jiray dadka tahriibayaasha ah .

Tahriibayaasha la soo badbaadiyay

Ciidamadaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay kaashadeen ciidama kale oo ka tirsan ciidamada Dalkaasi Liibiya waxa aanay sheegeen in hawlgal balaadhan oo ay qaadeen kadib ay gacanta ku soo dhigeen budhcad baahiyay muuqaalo ay ku jidh dilayaan qaar ka mid ah dadka tahriibayaasha ah kuwaasi oo u dhashay Dalka Sudan .

Afar nin ayaa la tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen jidh dilkii iyo gubistii lagula kacay dadkaasi u dhashay Dalka Sudan kuwaasi oo Muuqaalada ay ku jidh dileeb dadkaasi u baahiyay in ay qoysaska ay dadkaasi ka soo jeedaan ay ku argagax galiyaan si ay uga helaan lacag kadibna ay u sii daayaan.

Qaar ka mid ah Magafayaasha la soo qabqabtay.

Ciidamadaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay hawshaasi u dhaqaaqeen kadib markii qoysaska ay dadkaasi ka soo jeedaan ay la soo xidhiidheen,intaasi kadibna ay waaran ka soo qaadeen xeer ilaaliyaha dalkaasi waarankaasi ahaa mid lagu soo xidhxidhayay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA