Qaarada Dadkeedu Telefoonada Gacanta Ugu Iibsiga Badan Yihiin

Warbixin sanadeedka ay diyaariso hay’ada dunida u qaabilsan la socodka dhaq dhaqaaqa iyo isticmaalka telefoonka gacanta lagu qaato ee Mobile-ka ayaa lagu sheegay in heerka isticmaalka iyo dadka qaadanaya ee qaarada Afrika noqotay suuqa ugu balaadhan dunida, taas oo ka yeelaysa in afrika xitaa suuqyada iyo isticmaalka mobile-ka ee Qaarada Eeshiya ka kormartay dhawrkii sanadood ee u danbeeyay.

Sida warbixintan ay diyaariyeen guddida ama ururka aduunka u qaabilsan waxa loogu yeedho GSM-ku tirada dadka afrikaanka ah ee adeega isticmaalka Mobil-ka ku soo biiray sanadkan gudihiisa ayaa noqonaya boqolkiiba labaatan iyo waliba dheeraad, waxaanay hay’adani rejaynaysaa in sanadka soo socda ee 2015-ka tirada dadka afrikaanka ah ee mobilka ama telefoonka gacanta isticmaalaa noqon doonto 835-Milyan oo qof, ama tiro u dhiganta 79% dadka ku dhaqan qaarada afrika.

Sababta isticmaalka telefoonka gacanta ee dadka afrikaanka ah kor u qaaday ayay hay’adu ku macnaysay qiimaha jaban ee telefoonada gacanta afrika gudaheeda laga siisto, adeega shirkadaha isgaadhsiintu bixiyaan oo kor u kacay, khadadka la isticmaalo oo wanaagsanaaday iyo dano badan oo lagu qabsan karo oo suura gal noqday.

Hay’adan ayaa sheegtay in telefoonada ugu badan ee afrika laga isticmaalo lagu soo farsameeyo dalka Shiinaha qiimahooduna yahay ka ugu raqiisan dunida.

Qiyaastan ayay hay’adu ku tilmaantay in boqolkii qof ee afrika ku noolba shan iyo lixdan ka mid ahii isticmaalaan telefoonka gacanta, habka ugu badan ee ay u adeegsadaana uu yahay wada xidhiidhka iyo ku wada sheekaysiga balse aanay jirin wax macluumad ah oo ay ka badhaan, sababtoo ah waxa afrika aan ka jirin adeeg internet oo fiican, sidaa awgeed way ku adag tahay inay helaan ama u isticmaalaan sidii ay macluumaad uga baadhan lahaayeen.

Tiradan ayaa ahayd mid shankii sanadood ee u danbeeyay kor u kacaysay, waxaanay tusaale ahaan qiyaastii sanadkii 2012-kii ka noqonaysaa in boqolkiiba todoba iyo konton ay korodhay isticmaalka telefoonka gacanta ee mobilka.

Waxyaabaha ugu badan ee laga sameeyo telefoonada gacmaha ayaa afrika laga soo saaraa, hasa yeeshee waxa afrika soo gala ama soo gaadha noocyada ugu tayada iyo farsamada liita, suuqyada caasimaddaha iyo magaalooyinka waaweyn ee qaarada afrika ayaa ah kuwo dhegaha ay kaa qaadayaan dhawaaqa codadka kala duwan ee telefoonadu ku soo dhacaan oo ah qaar aad u sareeya.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply