Shucuubta ku nool Caalamku waxa ay ku kala tagaan waa wax soo saarka iyo haddba sida ay wax i qabsadaan ,waxa jira Shucuub badan oo ku nool dunida isla markaan ay haboontahay in lagaga dadyo wax qabadkooda dhinaca shaqada iyo horumarinta dalka ba .

Ahmed Abdirahmaab Abdale

Dalka China ayaa waxa uu guud ahaan Dunida kaga yaabiyay wax soo saarkiisa iyo sidoo kale dhismayaasha cajiibka ah ee ka dhisan ,sidoo kalana waxa guud ahaan caalamka la yaab ku noqotay mashaariicda aadka u Balaadhan ee ka socda gudaha Dalkaasi.

Dadka u dhashay Dalka China ayaa waxa ay hadd iyo jeer muujiyaan wax qabadkooda kuwaasi oo ku dedaala in ay shaqooyinka loo igmado ay u fuliyaan sida ugu dhakhsaha badan ,arrintaasi ayaa waxa ay faa’iido u tahay dhaqaalaha dalkaasi,waxaana lagu tilmaama in ay artintaasi sabab u tahay horumarka baxaada leh ee dalkaasi ku talaabsaday .

Wadooyinka ay maraan tareenadu waxa ay ka mid yihiin mashaariicda waawayn ee u baahan shaqaale aad u badan waxaanu mashruucaasi oo kale sida caadada ah qaataa ugu yaraan 6 bilood,waa haddi juhdi aad u badan la galiyo .

Haddaba 1500 oo shaqaale una dhashay Dalkaasi ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay wado tareen oo cusub ag ku diyaariyaan muddo 9 saacadood ah .

Mushruucaasi ayaa waxa ay ka fuliyeen Gobolka Fujian ee ku yaala Koonfurta Dalkaasi wadadani cusub ayaa waxa ay isku xidhi doontaa saddex magaalo .

Waxa xaqiiq ah maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd “Dedaala Xaaji Cabaas gaadha waana Dhaafi karaa “.

Shacabka China waa shacab muddan in lagaga daydo wax qabadkooda iyo wax soo saarkooda.

Haddi aynu nahay shacabka Somaliland waxa aynu u baahanahay in aynu noqono dad wax qabad badan kuna dedaala in aynu wax soo saarano si aynu uga maarano waxyaaba badan oo debada aynu ka sugno kuwaasi oo aynu si dhib yar kula soo bixi karno .

Waxa aad moodaa shacabkeena in aanay ka gonayn in ay wax qabsadaan maadama oo aanay wali u dhaqaaqin sidii ay wax u soo saaran lahaayeen .

Madaxwayne Muse Biixi Cabdi waxa uu Ballan qaaday in uu dhiiri galin doono wax soo saarka Dalka gaar ahaan cuntada, run ahaantii waa ballan waad muhiim ah waxa aanan hubaa in Madaxwayne Muse Biixi uu ballan qaadkaasi ka dhabayn doono ,sidaasi awgeed waxa ina la gudboon shacab ahaan in aynu noqono dad wax qabad leh si aynu u xaqiijino hadafkaasi qaaliga ah ee uu inoo ballan qaaday Madaxwaynaheenu.

Waxa iga dardaaran ah in aynu fadhiga ka kacno noqonana dad hadalkooda ficil uy wax qabad muuqda u badala .

Qalinkii “Ahmed Abdirahman Abdale” .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA