Qalanjo Reer Lubnaan Ah Oo Ku Guulaysatay Boqorada Quruxda Hollywood (Miss Hollywood 2014)-ka

Qalanjo u dhalatay dalka Lubnan oo lagu magacaabo, Rolita Fakih ayaa noqotay qalanjada ama boqorada quxda sanadkan ee Hollywood ama sida loogu yeedho, (MISS HOLLYWOOD 2014), ka dib markii tartan adag oo lagu kala xulayay dhex maray iyada iyo tobanaan qalanjo oo dunida qaybaheeda kala duwan ka kala socday.

10568836_756253994420686_1292389326600137582_n (1)

Xaflad balaadhan oo lagu qabtay magaalada Los Angeles ayna ka soo qayb galeen ilaa laba kun oo qof, oo isugu jiray siyaasiyiin, fanaaniin, aktarada filimada ee Hollywood iyo dad tiro badan oo dunida laga ciseeyo, ayaa lagu kala xulay ilaa shan iyo labaatan qalanjo oo ka kala yimi waddamo ay ka mid yihiin, Maraykankan, Kanada, Ingiriiska, Shiinaha, Jaban, Hong Kong, Afrika iyo koonfurta Amerika.

10527528_756253554420730_2240204770783093342_n

Rolita Faqih oo iyadu ka mid ah jaaliyadaha carbeed gaar ahaana dadka reer Lubnaan ee degan dalka Maraykanka ayaana gaba gabadii, lagu dhawaaqay inay ka dhex mudhay hablihii la tartamayay, waxaanay sidaa ku hantiday taajka boqorada quruxda sanadkan 2014-ka ee Hollywood.

ddd06f731c13443b4ea0a465c5a74482

Tartanka loo galo boqorada quruxda sanadka ee Hollywood ayaa ka mid ah kuwa dunida ugu caalamiyaysan, waxaana qof kasta oo tartankaas ku soo baxa ama qalanjo kasta oo kaalmaha hore ka gashaa inta badan noqotaa jilayaasha filimada Maraykanka ee Hollywood soo saarto.

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com