Qalinka Wariyuhu imaba Qabto

Tan iyo markii Somaliland la soo noqotey madax banaanideedii 18 may 1991 waa meelo aad u hooseeyay laga soo bilaabey yagleelka arimaha bulshada dhisitaanka deegaanada iyo soo noolaynta jiritaanka umadan sida akhmaqnimada ah loo gumaadey wadankoodii loo buburiyay waxay guntiga dheesha iga dhigeen bulshada reer Somaliland in ay samaystaan wadan iskii u madax banana ayna u dhamaystiran yihiin dhamaan haykalka dawladnimo kana muuqato horumar umadeed ma haslana in wax la dhistaa is hawl yar balse dumintu waa dhib yar tahay sidaad og soon tihiin akhristayaal,
meelaha dalka Somaliland horumarka balaadhan ka sameysay waxaa ka mid ah saaxaafada oo dalal badan oo caalamka ka mid ah qaarna inala jaarba yihiin oo ay adag tahay in warbaahin xor ahi ka shaqayso, warbaahinta wadankeenu waxay soo martey maraaxiil aad u adag laakiin hada waxay taagan tahay meel ka sare martey warbaahinta wadamo aduunyadu ictiraafsan tahay
waxaa si xawli ah u sii badanayay marba marka xigta noocyada kale duwan ee warbaahinta casriga ah ee ka hawl galay deegaanada jamuuriyada curdinka ah ee somalilnd guud ahaan inta badan bulshadan mihnadan saxaafada shaqadooda noqotey ayaa u badan dhalin yaro runtiina muujiyayay dadaal dheeraar ah weyna ku amaanan yihiin da yarta ku xoog sata mihnada warbaahinta dalkeena laakiin waxaad meesha ka maqan in warbaahinku isku dheeli tirto dhacdooyinka wareedka iyo barnaamijeedka ee ay bulshada u gudbinayaa iyadoo warbaahintii dhamaanteed mid daawasho mid dhagaysi iyo xataa midi qoraalkuba diiradooda koowaad ahmiyadna siiyaan arimaha siyaasada . Arintaasina ay boog ku noqotey warbaahinta dalkeena dadka aqoonta saxaafada ku xeel dheer ee aanu kulanaa waxay mar kasta ila soo hadal qaadaan sababta ku warbaahinta wadanka in ay siyaadad soo banddhigaan waxna ka qoraan iyadoo ay baylahsan tahay arimo badan oo qaranka iyo umadaba baahi wey u qabeen waxa kale oo ay iyadhaanhaan dadkaasi waxaa loo waayay xidhiidh qoto dheer oo ka dhaxeyay saxaafada wadankeena iyo ka dadalka kale ee caalamka si saxafiyiinta Somaliland aqoon iyo khibrad uga koror sadaan suxufiyiinta ka hawl gala warbaahinta caalamka.
Waxaa u baahan in warbaahintu waxa ka diyaariso arimaha deegaanka dhaqanka ilaalinta wadaniyada iyo inay da yarta ku dhiiri galiso in ay aamiinaan wadankooda lana yimaadaan fikrado shaqo abuur ah madooda iyo wadankoodaba uga faaideeyaan aqoontooda iyo xoogaadaba. Warbaahintu waxay si dhib yar bulshada uga jeedin kartaa arintan siyaasada ee bulshadu dhamaanteed camalka u noqotey ciroole iyo caruurba haeen iyo ragba. Umadu way kale qayb sanaan jirtey in qofkastaaba nolosha qayb ayuu ku lahaa laakin wakhtigan xaadirka ah waa dad siyaasi wada noqey sidaan waa ku lumaaya micnihii noloshu lahay waxaana dayac maaya shaqooyinkii kale ee bulsha u horseedi laha horumarka wadanka
Waxaa la gudboon warbaahinteeda in ay ku dadaalaan in ay ka wada muuqdaan arimha warbaahintu umada uga masuulka tahay ee xaqna ay ugu lee yihiin.
Akhristayaal maqaalka(Qalinka Wariyuhu Imaba Qabto) waxaa igu kalifey waxaan sheeko wadaag.
Aan la yeeshay wiil dhalin yaro ah oo darbi jiif ah ee iiga waayo warabey noloshiisa iyo
Maraaxil uu soo marey intii ku dayacnaa darbiyada magaalada uuna darsi la ahaa falaadhaha cadceed qabowga dhaxanta iyo diihaalka gaajada iyo sida ay u moogan yihiin bulsha oo dhami
Laakiin waxa uu eeda iyo dhaliisha ugu badan u tirinayaa warbaahinta wadanka ee maxaliga ah ee xili qudha arimaha noocan oo kale ah xilka iska saarin oo aanu qalinkoodu waxba ugu qaban waayay wiilkan iyo da yar badan oo kale oo noloshiisa oo kale wehel la ah runtii dareen kaygu wuu is badaley aniga ahaan waanan u garabey wiilka eebe noloshan u gartey gacana ka waayay bulshadiisa ay wadan wadaagta ahayeen miyaaynaan odhan kareyn warbaahintu wey ka gaabiyeen arimihii looga baahnaa waxayna ku dhakho faareen arin micno badan aan ugu fadhiyin umada oo siyaasad ah
Waa Qalinkii Suxufi Ridwaan-Akiid Caydiid Ismaaciil
Tell: 063-4417227 ama 063-4242888
Email: Akiid14@gmail.com ama ridwaan_akiid@hotmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply