Qaraamka iyo Xasan Cumar Hoori. W/Q Xasan Cumar Hoori

(Muddo nus qarni ah markii ugu horreysay oo ay soo if baxaan midho ku
abtirsada Dugsiga QARAAMIGA)
Qallinkii Xassan Cumar Hoorri

Inta la ogyahay heesta Somaaliyeed waxay ka soo alkuntay or iyo sacab,
jaan iyo jiib iyo hannaankii herwo iyo shirbadii dhaqanka ka soo
jeeday. Qaraamiga waxa lagu asteeyaa fiintii ugu sarreysay oo ay
halabsatay heesta Somaliyeed.


Gilgilashada hab nololeedka iyo hor u marka bulshadu ku tallaabsatay
markii miyi laga soo bara kacday loona hayaamay xaggaa iyo tuulo, ka
dibna magaalo, waxa soo if baxday baahida iyo xiisaha loo qabay in
dhallinyaradu oogto kullamadii caweys iyo jaan dheertii. Malaha taasi
waxay fool xumo ku noqotay reer magaalkii, arrintuna waxay ka fursan
weyday in la curiyo qaab iyo hannaan nafta loogu raaxeeyo, isla
markaana, looga fogaan karo boodadii miyiga. Ogow arrintu kama
madhnayn dhaqanmo shisheeyaha laga soo ergistay, ilbaxnimo la soo
bowsaday iyo dhegtooda oo xiisaynaysay heesha carbeed iyo hindiyeed oo
si gaabis ah u soo gaadhayey.

 Sannadahii afartameeyada, waxa soo shaac baxay “KABACAD” oo ahayd koox
filyar ah oo ka hana qaaday degaanka Hargeysa, kuwaas oo is bedelka
dhaqan dhaqaale u horseeday in ay isu eekaysiiyaan wiilasha aynigooda
ee shisheeye, kana soo dheegtay in ay xidhtaan dhar isku joog ah, kana
sinnaa kabo caara dhuub ah oo midabkoodu cad yahay. KABACAD, durbaba,
waxa loo aaneeyay in ay bud dhigeen, gardaadiyeen, bulshadana u
iftiimiyeen qaab loo magaaleeyey oo salka loogu dhigay ortii iyo
sacabkii. Jibbadu waxay gaadhaysay heer uu qofku miyir doorsoomo ilaa
uu ka dildillaaciyo huga uu xidhan yahay.
Dugsiga labaad ee QARAAMIGA waxa lagu magacaabaa BELWO oo sida la
sheegay ka soo aasaasantay wadaayaalshii baabuurta oo xilligaa ahaa
farsamo yaqaannada iyo xeeldheereyaalsha dalka ugu magaca iyo dhegta
roon.
Dugsiga saddexaad iyo fiinta u korreysa buuralayda qaraami waxa lagu
suntay magaca Heello. Haddaba, iyada oo dulucda qormada aanay foolka
ku hayn in aan ku qaadaa dhigo waayahii iyo hebelodii QARAAMIGA,
ujeedadu kama fogeyn in aan qeexo biyo dhacii QARAAMIGA iyo
waayahiisii berrisamaad oo ku sinnaa tan iyo dabayaaqadii
kontomeeyadii iyo xilligii ay kacaameen, isla markiibana, tamariyeen
kooxdii Walaalo Hargeysa.

 Run ahaantii, curinta dugsiga QARAAMIGA waxay ku kooban tahay
dabayaaqadii kontameeyada iyo bilowgii lixdameeyadii. Hase ahaatee,
taas macnaheedu ma aha in mudadaas tobanka sano ah uu ku xidhmay
Dugsigii QARAAMIGA oo weli jiil klasta oo Soomaali ah waxa dhegahoodu
la fil yahiin Madiix, Aroor, Laac, Kaar, Ciil, Burcaawi, Xaafuun iyo
heesha qaraami ee Subcis naqtiinka u ahayd.
Tan iyo waagaas oo ku siman qarni badhkii waxa la haybinayey cod iyo
erayyo cusub oo ku soo biira Dugsiga QARAAMIGA, isla markaana, dardar
gelin, soo kaclayn iyo dib u cusboonaysiin u noqon lahaa dugsigaas
faca weyn. Haddaba, ugu danbayntii, waxa farta lagu fiiqay abwaan isku
deyey in uu curiyo midho cusub oo QARAAMI ah.
Abwaan CISMAAN ABBOKOR DUCAALE (BERBERAAWI)waxa aan kula kulmay
Hargeysa bishan August 2005 isaga gacanta iga saaray curintiisa
erayyada cusub ee QARAAAMIGA kuwaas oo gaadhaya ilaa siddeetan tuduc.
Muran kama taagna erayyadan cusub in ay ehel u yahiin QARAAMIGA oo
waxa baadi goobka iyo baafinta igu weheliyey Dhammaan dadkii ka soo
jeeday Dugsiga Qaraamiga iyo inta taageerta kuwaas, oo malahayga
kuunyaya in erayyadaasi gacanta u galaan qof aan mudnayn. Erayyda waxa
tifaftiray Abwaan Hadraawi, waxana farta iigu fiiqayey Ismaaciil
Cagaf, Saxardiid Jebiye, Maxamed Yuusuf, Guduudo Carwo, Xuseen Cali
Kaahin, Dararamle iyo Faysal Cumar mushteeg. Haddaba aniga oo aan ka
masuugayn murtida in ay ila mugaabiyaan inta ila wadaagta, waxan halka
ku soo bandhigayaa qayb ka mid ah midhaha cusub ee Dugsiga QARAAMI.
Waan hubaa oo erayyada cusub waxay aradtir iyo cusboonaysiin u noqon
doonaan heesaahii QARAAMI oo maanta aan ku dhegaysan karno erayyo
cusub. Isweydiintu se waxay tahay erayyadan ma horseedi doonaan
curinta codad cusub oo la bah ah Dugsiga QARAAMI. Jawaabtu waxa ay u
taal heesaaga iyo  cod abuuraha Somaaliyeed iyada oo abwaanku xiltiray
midho abuurahii Somaaliyeed oo waayo iyo waayo gabay in uu nooleeyo
curinta Dugsigii QARAAMI.

QARAAMI- Erayyadii Cismaan Abbokor Ducaale

1)  Haddaanad ii ogeyn sidaan kuu ahaa
il dheerna ku eegin aayaha
Alleylehe waa af-kala-qaad.

2)  Asaaggay ka irdhoobey awgaayoo
aydaan u baxaa ilmeeyaa.

 3)  Ilmadu kama iman halkaad aragtee
aad bay u fogtee ogsoonow.

4)  Haddaanu ubaxuba urtaada lahayn
ILaahay hortii ma eegeen.

5)  Jacaylkaad abuurtay bay ambiyoo
Eebaha igu yaal u aabbo ah.

6)  In’aan ku illaabey kuula egtee
Afkaba kama dhigo amaantaadoo
Sidaan kuu ahaa ayaan ahay.

7)  Haddaan Amaraneey arooryada hore
Indhahaan kala Qaaday ay ku arkayn
Maxay anfac iigu filnyihin.

8)  Buurtaad isku qaadday way ba’antee
Maxaad uga biqi bannaannada.

9)  Haddii ballanteenni loo baxay
Marnnaba haka biqin Bariidada.

 10) Intaad ballan qaadday way badatee
Badheedh iigu sheeg waxaan boxo.

11) Taariikhda jacaylkee soo taxan iyo
Tabtaan ahay waysu tegayaan .!

12) Waxaan ka tix-raacay taadiiyoo
Waxay taladii isugu timi
Inaan cagta tiiriyoo tago.

13) Tiraab kulul baa I tuuraysee
I taabataye haygu talax-tegin.

14)Talooy anigaa wax tabanaayee
Maxaa igu taagey tiir adag…?

15) Haddaan go’o geeri waan u dhashee
Goobtaad I dhigteen guracnaa.

16) Geel iyo adhibaan gabbaati wadee
Gugaa di’i waayey bay gabay.

17) Garaadka indhahaa lagaa geliyoo.
Way kugu gaabantay wax-garashadu.(1)

18) U dayrshay kuwii I doonaayoo
Ku daaley midaan la’ ii diran.

19)Waxaad doonto daacad baan ka ehee
Hay daalin, adna debedda hays dhigin

20) Haddaad damacdeen inaad I dishaan
Ku deyra jacaylka daah adag.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply