Qarka Ayaan U Saarnaa Inaan Geeriyoodo , Mararka Qaarna Naftu Waxa Ay Ilahayd….Madaxweynah Fifa

Madaxweynaha shaqo joojinta Fifa ku jira ee Sepp Blatter ayaa sheegay inuu qarka u saarmay geeri ama dhiman gaadhay maalmihii dhawayd ee uu xanuunku ritay ee uu cusbitaalka gallay.

Blatter, oo 79 jir ah, 90 maalmood oo xayiraad shaqadii kubada cagta ahina saaran yahay, wuxuu lix cisho ku qaatay cusbitaal bishan horaanteedii, halkaas oo lagaga dabiibayay xanuun isku buuq ah oo la soo darsay.

“Waxaan u dhexeeyey geeri iyo nolol – janno iyo naar , waxaase aakhirkii ay noqotay inaan noolaado,” ayuu yidhi Blatter.

“Waxa aan u dhexeeyey Malaa’igta Oo heesaysay iyo shayaadiinta oo dab shidaya, Laakiin malaa’igta ayey ahaayeen kuwii heesayey” Ayuu yidhi Blatter.

“Qarka ayaan u saarnaa inaan geeriyoodo. Mararka qaar, naftu waxay ilahayd ‘maya. Bes inagu filan waad gaadhay’.”

Blatter, oo soo maamulayay 19 sanadood xidhiidhka kubada cagta caalamka ee Fifa, ayaa laga xayiray shaqadaas oo dhan kadib markii lagu soo eedeeyey inay musuq maasuq baaxad leh ku kaceen oo saxeexyo bilaa heshiis ah galleen isaga iyo gudoomiyaha UEFA ee Michel Platini.

xigasho Cadalool.com

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com