Qaybtii 2aad Taariikhda Gabayaagii Waynaa Aabihii Jacaylka Nasaar Al-Qabaani ( Nazar Kabbani )

Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Barnaamijkeeni ahaa Falanqaynta Fanka iyo Fanaaniinta Dunida, Gabyaa ka mid Gabay yahanada Carabta ee Qarnigii la soo dhaafay ugu badnaa heesaha,waa gabyaa uu ku dhacay jacayl dhab ah oo uhaleelay una qaaday Marwadiisa intii ay noolayd iyo markii ay dhimatayba.isagoo markiisi horena ahaa gabyaa Jacayl iyo Siyaasadeed kuwii ugu qaalinsaa ee ina soo mara 100-kii sano ee u danbeeyey,

waa gabyaa aad loo jecelyahay gabaydiisa,waa gabyaa dhabta ka gabya,waa gabyaa ay ku taabanayaan gabayada uu ka tiriyay Jacaylka,iyo Siyaasadda. waxa uu ahaa Diblomasi,iyo Gabyaa Casri ah,waxba yaanan ararta ku raaginee aan idiin bilaabo taariikh nololeedkii Abwaanimo ee Nasaar Qabaani.Qaybteedi labaad waxay inoo joogtay isagoo gabayadiisi xiligaa Dagaalka Yuhuuda iyo Carabtu socday laga mamnuucay ,in la dhegaysto,amalooba riyaaq Muujiyo, Nasaar waxaa uu noqday nin Diplomasiya,ah wuxuuna shaqo ka helay Safaaradii ay Suuriya ku lahayd Dalka Spaine,mudo markuu halkaa ka shaqaynayay,kadib wuxuu yimi Magaalada Baqadaad ee Dalka Ciraaq ,si uu uga qayb galo Bandhig Suugaaneed lagu soo bandhigaye Gabayada Carabta, sanadku markuu ahaa 1962, intii uu ku jiray,Bandhiga ayuu wuxuu ku bartay meesha Gabadh,la yidhaahdo Balqiisa, waa gabadha uu ku sheegay Nasaar inay tahay Gabadha Taariikhdiisa Abwaanimo wax badan ka bedeshay ,mar uu ka hadlayay waraysi lala yeeshayna wuxuu yidhi Balqiisa waxay ahayd Horaantaydii Khasnadda Suugaantayda dabadeeddna Ma’aanan helin Khasnad la mid ah,waa Gabadha Jacaylka dhabta ah ku beertay,waa gabadha uu Gabayga ugu dheer Gabayadiisa u tiriyay,waa Gabadha uu isla markaana Suugaanta ugu badan uu kaga hadlayo,weliba wuxuu aad u sii jeclaaday Markuu ka ag waayay Garabkiisa Midig waana xiliga ay Kalgacaylka Balqiisa iyo Nacaybka Lubnaan iyo Carabi,ay is wheshadeen,waa xiliga uu noqday sidii Togg Furmay oo ay Suugaantiisu Gebiyada iyo oodaba Jabsatay,wuxuuna kaga dhigaySuugaantiisi inuu ku ciil baxo isla markaana ugu aargudo Balqiisa Afkiisa, Hadaba aan ku soo noqono Bilowgii Kalgacaylka Balqiisa,iyo Barti ay isku arkeen, Balqiisa Markii ay kulmeen Kalgacayl ayaa qacdii horeba dhex maray wuxuuna isu rogay Jacaly,dhidibo aastay, waxaana judhiiba laysla gaadhay Guur si loosii xoojiyo Jacaylkan dhexdooda ka bilaabmay, Nasiib Xumo,laakiin sidii ay u rabeen wax uma dhicin,markii ay Balqiisa tidhi Dhaqan iyo Diin baynu leenahay Mana dhaafi karno ee waxaad u tagtaa Reerkayagii oo uu Hor-Jooge ka yahay Aabahay, Nasaar Qabaani isagoo islahaa Diplomasi isla markaana ah Gabyaa,cidi Gabadh u diidi maysee keligaa odayga afka ula kala bax,ayuu is maqiiqay,Markuu odaygii u waramay siduu xaal yahay ,ayaa odaygii isagoo ka dharagsan wuxuu yahay Nasaar, odaygii yidhi dhegayso ,Anagu dhaqankayagu nooma ogola inaan kugu siiyo inantayda,dhawr arimood oo kala ah, 1-Nin aan dhalasho ahaa ahayn Ciraaqi ,2-Nin Gabyaa ah anigu inantayda siin mayo,ee adeer ilaahay khayr haku siiyee iska tag,Gabadhan agteeda iyo warkeedana kuguma arki karo,Qalbi jab Argagax iyo Filanwaa ayeey ku noqotay Nasaar Qabaani,isagoo luudayaa oo Cagaha iyo Madaxa isku u wada jiidaya ayuu ku noqday wadankii uu ka yimi oo Spain-ahaa, mudo 7 sano ah ayeey Balqiisa ku wada hadlayeen Waraaqda Boosaha laysu dhigo,walo aad loo ilaalin jiray Balqiisa iyo Boosteeda, hadana way ku guulaysteen labadooduba,inay 7 Sano ilaaliyaan oo ka Run sheegaan isla markaana aanu ka dhex bixin Jacaylkoodi,kasoo Bilaabmay Ciraaq Spaina Taagan,way beereen oo waraabiyeen oo ay ka ilaaliyeen inuu qalalo inta ay ka hadhsanayaan Geedka Bilicda iyo Baaxada leh ,halkaa markay maraysay ayuu ku soo noqday mar labaad Bandhig Suugaaneedkii Sanadlaha ahaa ee lagu qaban jiray Baqdaad,Xiligaa Sandku waa 1969-kii ,Markii uu ka soo qayb galay xafladii nasaar ayuu ku Bilaabay Gabaygan Qiimaha iyo Qaayaha.Murtiyeed ka buuxdo.( إفادة في محكمة الشعر )waana Gabayga uu kaga hadlayo Dhawrka Arimood ee is barkan. 1-Jacaylka Balqiisa,2-Gabayga iyo siday Carabi ka dhigtay,3-Jacalyka uu Wadankiisa u hayo,4- Qadiyada Falastiin, iyo Waxyaalo badan oo kale,wuxuuna Gabaygani ka mid yahay Gabayada ugu Macaan Gabayadiisa,wuxuuna ku bilaabay gabaygii oo aanu ka so qaadanayno Baydadka ugu Muga iyo Miisanka wayn, مرحباَ ياعراق، جئت اغنيك Marxaba Ciraaqay waxaan idinku imi inaan idiin heeso وبعض من الغناء بكاء Heestaa Dabadeedna oohin baa xigi في فمي يا عراقُ.. مـاءٌ كـثيرٌ Afkayga Biyo Badan baa ku jira كيفَ يشكو من كانَ في فيهِ ماءُ Siduu u eed baxaa Qofay biyo afka ugu jiraan لا تعاقب يا ربِّ من رجموني Rabow Ha’cadaabin kuwii i shiiday واعفُ عنهم لأنّـهم جهلاءُ Una denbi dhaaf ilayn waa waxmagaradee كان عندي هـنا أميرةُ حبٍّ Waxaa halkan ila joogtay Boqoradii Jacaylka ثم ضاعت أميرتي الحسـناءُ Waana Luntay Boqoradaydii Quruxda Badnayd intaynu isku arki doono Qaybta kale iyo Toddobaadka soo socda waxaan idin kaga tegaynaa Fii Amaani Laah Waxaa idiin Soo Diyaariyay Ugaas Maxamed Majabbir

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply