Qaybtii 3aad Taariikhda Gabayaagii Waynaa Aabihii Jacaylka Nasaar Al-Qarbaani (Nazar Kabbani)

(RAALI GALIN)
Akhristayaashii sida tooska ah ugu xidhnaa(FALANQAYNTA IYO FAALAADA FANAANIINTA ADUUNKA) waxaan si Xushmad iyo Karaamo leh idiinka raali galinaynaa,Kala Go’ii ku yimi,Taxanihii aad la socoteen,waxayna ahayd Ciladu Xagayaga,ma jeclin inuu ku hungoobo akhrste kamid ah Akhristayashaa sida tooska ugu xidhan Hawraar Media Production..waxaanuna idiin Bishaaraynaynaa inaydaan,mar danbe kala kulmin doonin,( Hawraar Murti & Madadaalo )

Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Barnaamijkeeni ahaa Falanqaynta Fanka iyo Fanaaniinta Dunida, Taxanihii inoo socday oo ahaa Taariikh Nollleedkii Gabyaagii waynaa ee Nasaar Al-Qabaani, oo ka mid ahaa Gabay yahanada Carabta ee Qarnigii la soo dhaafay ugu badnaa heesaha,waa gabyaa uu ku dhacay Jacayl dhab ah oo uhaleelay una qaaday Marwadiisa intii ay noolayd iyo markii ay dhimatayba.isagoo markiisi horena ahaa gabyaa Jacayl iyo Siyaasadeed kuwii ugu qaalinsaa ee ina soo mara 100-kii sano ee u danbeeyey ,waa gabyaa aad loo jecelyahay Gabaydiisa,waa Gabyaa dhabta ka Gabya,waa Gabyaa ay ku taabanayaan gabayada uu ka tiriyay Jacaylka,iyo Siyaasadda. waxa uu ahaa Diblomasi,iyo Gabyaa Casri ah,waxba yaanan ararta ku raaginee aan idiin aan Bilowno Taariikh Nolleedkii inoo socotay ee Nasaar Qabaani.Qaybteedi Sadexaad….
Waxay inoo joogtay isagoo,Marlabaad uu dib ugu soo noqday,Magaalada Baqadaad iyo Gabaygii Meelaha badan taabanayay ee .( إفادة في محكمة الشعر ) kaaso weliba uu kaga waramayay Jacaylkuu u qabay Balqiisa,Gabaygii markuu faafay gaar ahaan magaalada Baqdaad ,waxaa Dayaantay oo uu Gilgilay Gabaygii kowaad Magaaladii Baqadaad wuxuuna gaadhay,wuxuuna ka dhacay Gabaygii oo uu gaadhay.Bari iyo Galbeed Dalka Ciraaq iyo weliba Beri Carbeed, halkaa markay fadhistay arini waxaa Gurmad ugu Baxay dhamaan Reer Ciraaq Xukuumad iyo Shacaba,waxaana si deg deg ah amar lagu siiyay inay u tagaan Guddi, Balqiisa Aabeheed oo ahaa oday Dhaqan iyo Diinba ku adag,markii horena,Nasaar wadaddada Cad mariyay.una sheegay inaanuu siinayn Balqiisa Nin Gabyaa ah isla markaana aan ahayn,Nin Ciraaqi ah ,Guddidaa waxaa madax looga dhigay,Wasiirka Dhalinyarada. Dr Shafiiq al-kamaali, oo Gabyaa ahaa iyo Wakiilka Wasaaradda Arimaha Dibadda,Dr: Shaadil Daaqah.oo isaguna ahaa Gabyaa, sidii ayaa lagu siiyay ,Nasaar Gabadhuu u Golongolay una Goohayay Sanadaha badan,wuxuu ka baxay Ciraaq isagoo Gacanna ku haya Laan Timir ah Gacana ku haya Balqiisa.Nasaar wuxuu ahaa nin aad ugu naxariis badan Hooyadii,isla markaana wuxuu ahaa nin ku nool Xudunta Hooyadii,Balqiisana waxay garatay wuxuu nin walba u baahan yahay oo ah ,inuu helo Qof Dumar ah oo u bedesha ama u gasha Kaalintii Hooyo,inataa kadib Balqiisa waxay noqotay Xaas iyo Xero uu ku nasto kuna dego, waxayna ula dhaqantay sidii ilme yar oo u baahan xannanaano sidii loo Xanaannay jiray,Nasaarna waxay ilaawsiisay kala fogaanshihii isaga iyo Hooyadi,waxaana Markhaanti madoonta ah inay u buuxisay kaalintii Hooyonimo,Gabay uu tiriyay,Sanad Guuradii 10aad ee ka soo wareegtay,Guurkooda isaga iyo Balqiisa,wuxuuna tiriyay Gabaygii dheeraa ee la odhan Jiry,( waxaan qirayaa inaanay Jirin Xaawalay kale,( أشهد ان لا امراة ).waa gabay aad u qiima badan oo dhamaan Abaal Celin uga dhigay Balqiisa sida Raxmada Naxariista iyo Raaxada lahee ay u Xanaanaysay,
1-Halkan ka dhegayso:Gabaygii

2-Halkan ka dhegayso:Heestii oo uu qaadayo Kaadim Saahir

Gabaygaa markuu tirinayey Nasaar wuxuu jiray 56 Sano,intaana wuxuu ahaa Nin ku nool Beer ka mid ah Beeraha Janada,wuuna ku jiray ilaa iyo maalintii ay ku dhacday ,Naxdintii iyo dhabar jabkii ugu waynaa,ee noloshiisa soo marta,waa maalintii loo soo sheegay geeridii hooyadii,waxayna ahayd 1976 kii,maadaama uu ahaa Nasaar nin aad ugu xidhan hooyadii sidaynu soo sheegnayna ,uu ahaa shaqsi ku nool Xudunta hooyadii, Xiligaa wuxuu ka qayb galayay Xaflad Dibplomasiyadeed,wuxuuna kaga waramay gabay xafladda dhexdeedi,Xaallada uu ku jiro,waxuuna ka tiriyay,Gabaygii la odhan jiray.( Shan Warqadood oo Hooyaday ku socda),.. ((خمس رسائل إلى امي).
1-Halkan ka dhegayso Gabaygii:

2-Halakan ka daawo heestii oo ay qaadayaan :Caruur Suuriyiin ah:

kamaba soo wareegin Sanado yar oo kooban mooyee,markii ay ku dhacday Tu’ Daran iyoTu’uu ka soo waaqsan waayay, dhacadadan naxdinta labaad leh ee soo martay Nasaar ayaa ahayd Geeridii labaad ee loo sheego oo ku timi Hooyadiisi labaad isla markaana ahayd Xaaskiisi Balqiisa,Geeridu kala Naxdin badane tani waxay ahayd qof iimaan leh mooyee tii uu ku waalan jiray qofka kale,waxaana furmay Albaab Cusub oo Suugaantiisi ah,waxaa Xidhantay Beertii Kalgacaylka iyo Maxabada,uu ku waraabin jiray,waxaana hal mar Suugaantiisi,isubedeshay,Suugaan Nacayb,Cadho iyo Diiqadii ka buuxdo.waxayna noqotay Sugaan Wada Naxli ah,waxaad ka garanaysaa Cadhada iyo Cuqdadda uu u qaaday Guud ahaan Deeggaannada ay Carabi degto,Gaar ahaana Wadanka Lubnaan,Suugaanta uu tiriyay Maalintaa dabadeed,

intaynu isku arki doono Qaybta kale iyo Toddobaadka soo socda waxaan idin kaga tegaynaa
Fii Amaani Laah
Waxaa idiin Soo Diyaariyay
Ugaas Maxamed Majabbir.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply