Qaybtii 4aad Taariikhda Gabayaagii Waynaa Aabihii Jacaylka Nasaar Al-Qarbaani ( Nazar Kabbani)

Toddobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa Barnaamijkeeni ahaa Falanqaynta Fanka iyo Fanaaniinta Dunida, Taxanihii inoo socday oo ahaa Taariikh Nollleedkii Gabyaagii waynaa ee Nasaar Al-Qabaani, oo ka mid ahaa Gabay yahanada Carabta ee Qarnigii la soo dhaafay ugu badnaa heesaha,waa gabyaa uu ku dhacay Jacayl dhab ah oo uhaleelay una qaaday Marwadiisa intii ay noolayd iyo markii ay dhimatayba.isagoo markiisi horena ahaa gabyaa Jacayl iyo Siyaasadeed kuwii ugu qaalinsaa ee ina soo mara 100-kii sano ee u danbeeyey.

waa gabyaa aad loo jecelyahay Gabaydiisa,waa Gabyaa dhabta ka Gabya,waa Gabyaa ay ku taabanayaan gabayada uu ka tiriyay Jacaylka,iyo Siyaasadda. waxa uu ahaa Diblomasi,iyo Gabyaa Casri ah,waxba yaanan ararta ku raaginee aan idiin aan Bilowno Taariikh Nolleedkii inoo socotay ee Nasaar Qabaani.Qaybteedi Afraad….
Waxay inoo joogtay isagoo, aanay kaba soo wareegin Sanado yar oo kooban mooyee,markii ay ku dhacday Tu’ Daran iyoTu’uu ka soo waaqsan waayay, dhacadadan naxdinta labaad leh ee soo martay Nasaar ayaa ahayd Geeridii labaad ee loo sheego oo ku timi Hooyadiisi labaad isla markaana ahayd Xaaskiisi Balqiisa,Geeridu kala Naxdin badane tani waxay ahayd qof iimaan leh mooyee tii uu ku waalan jiray qofka kale,waxaana furmay Albaab Cusub oo Suugaantiisi ah,waxaa Xidhantay Beertii Kalgacaylka iyo Maxabada,uu ku waraabin jiray,waxaana hal mar Suugaantiisi,isubedeshay,Suugaan Nacayb,Cadho iyo Diiqadii ka buuxdo.waxayna noqotay Sugaan Wada Naxli ah,waxaad ka garanaysaa Cadhada iyo Cuqdadda uu u qaaday Guud ahaan Deeggaannada ay Carabi degto,Gaar ahaana Wadanka Lubnaan,Suugaanta uu tiriyay Maalintaa dabadeed,
1981/12/15
waxaa ka dhacay Magaalada Bairut ee Dalka Lubnaa Qarax dhul gariir ah Safaaradda Safaaradda Ciraaq ay ku lahayd Magalaadaa,Taariikhdu waxay ahayd 15/12/1981.Qaraxaasi wuxuu ahaa kii uu ku waayay Nasaar Qabaani Gacaladiisi Balqiisa oo ahayd wehelka keliya ee ku hadhsanaa,Talose waa ta ilaahee,may noqon umana dhawaan sidii uu rabay Nasaar,isagoo dhacdadaa xanuunka badan ka sheekaynayaa Nasaar wuxuu yidhi,waxaan joogay Maktabadaydii ku taalay Shaaric al xamraa,ee aan lahaa anigu ,markii aan maqlay Qaraxaa dhulka ila dhaqaaqay,ilaa Xawl Mariidkaana i dhaqaaqay garan maayo goor ay saacadayd tudhi. xafiiska ii taalay siday laba jeer u tidhi Yaa Saatir,Yaa Rabi,intaa ka bacdi war baa isoo gaadhay sheegayaa in Safaaraddii Ciraaq la qarxiyay,deetana anoo aan is ogayn baan idhi, Balqiisa way tagtay ,yacni way dhimatay.waxaan dareemay balqiisa inay iga tagtay,aduunkana ay keligay igaga tagtay isla markaana aanay soo noqonayn,isagoo sii wata oo murugaysan ayuu yidhi, Balqiisa waxay ahayd,Xeebtaydi,,Xero qaxootu oo aan ku jiro, Noloshayda ,Sumadaydi, Dhalashadaydii,iyo Qalimadaydii, wuxuuna dhacdaadaa naxdinta leh ka tiriyay,Gabaygii ugu dheeraa gabayadiisa,waa gabay,Ciil Calaacal,Cadhi iyo Calool xumo badani ka muuqato,wuxuuna u gabyay Tabtii Raage Ugaas,Markii ooridiisi uu libaaxu ka cunay,wuxuuna Tiriyay Nasaar,waa gabay aad u dheer,wuxuuna u bixiyay (Balqiisa Al-Raawi) Baydadka ay ka muuqato Murugadu,waxaa ka mid ah ,Baydkan uu leeyahay , “Balqiisay Maxaad Nooga Tagtay Dabaysha Dhexdeeda,oo noo ruxaysa sidii Caleenta Geedaha,?oo aad nooga tagtay Anagoo Sadex ah,sidii Baall Roob hoos yaalaa.?Tegistaadu ma ahayn midaan ku fekerayay,Waa aniga kan jacaylkaagi u baahan ,sida Saynab iyo Cumar oo kale”
Saynabta iyo Cumarka uu sheegayaa waa labadii caruur ahaa ee ay u dhashay Balqiisa, Nasaar.waa gabay aad u murugo badan waxaad ka dhegaysan kartaa halkan gabaygii oo dhamaystiran,

intaynu isku arki doono Qaybta kale iyo Toddobaadka soo socda waxaan idin kaga tegaynaa
Fii Amaani Laah
Waxaa idiin Soo Diyaariyay
Ugaas Maxamed Majabbir.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply