Qeybtii Koowaad Sheeko Dhab Ah Aad Iyo Aadna U Xanuun Badan Lana Magac Baxday Wakhtigii Madoobaa..

Sheekadan xiisaha leh ayaa ka dhacday wadanka itoobiya Albaabka waxa soo garaacay Girma oo ah milkiilaha gurigii aan ka degennaa Xaafadda Saaris ee magaalada Adisababa,

Waa xilli 5tii habeennimo ka hor ah, waxaa jira Qaboow iyo mugdi labadaba,waxay ahayd 27kii july sanadkii 2011ka..

Girma aqoonta aan isku leenahay aad ayay u yar tahay laakiin Qolkeyga yar ayuu galabtii marka uushaqada ka yimaado usbuuciiba mar iigu imaan jiray salaan iyo balinuu
eego cidda ila joogta, waa astaan ay leeyihiin dadka Xabashida ah, waana hab ay aad u neceb yihiin Soomaalidu,

Laakiin saacaddaan Girma ugama baran, anigoo hurdada ay ila ahayd inaan
markaas helay oo macaansanaya ayaan Dirqi ku soo kacay, welibana waxaann
huwanahay Kubeerto Jurmigeedu adag oo Dad badan ay igala dardaarmeen,
waayo Sida la sheego Dad badan oo Soomaali ah oo aan si wanaagsan uga
gaashaamna Qabowga Adis ababa ayaa geeriyooday.

Markii aan Albaabka furay ayaa waxaan arkay Girma iyo 7 Nin oo Hubeysan oo
qaarkoodna ay ku lebisan yihiin dharka Ciidamada milateriga,

Girma ayaa ila hadlay waxaana uu igu yiri ”Xasanoow kuwani waa Ciidanka
amaanka qaranka Ethiopia,ma wadaan dhib laakiin waxaa ay doonayaan inay ku
weydiiyaan Su’aalo la xiriira Amaanka Ma filaayo inay dhib kuu geysan doonaan”
Sidaas haddii ay tahay waa ok ayaan ku iri…balse sow inaan lebisto maahan
ayaan ku iri…Girma ayaa igu yiri, Haye soo lebiso..

Markiibana Qolkii yaraa ee Ciriiriga ahaa waxaa Soo galay 4 askari, waxaana ay
bilaabeen baaritaan xog leh oo qaatay illaa subaxdii 11 subaxnimo ”shan saac”
waxba waa ay ka waayeen,anigu hadda waxaan ku jiraa Qolka Fadhiga ee Girma
oo aan mar mar dhif ah ku daawan jiray Sports-ka,waxaase i waardiyaynaya
askar badan oo wejiyadooda ay ka muuqato carro ay u hayaan Dadka Soomaalida
ah,waxay aaminsan yihiin inuu gacabta u Soo galay ninkii ugu weynaa Al
qaaciddada Soomaaliya oo ah aniga,
Walloow aan hubo in Degmadii Wardhiigleey iyo Muqdishaba ay Dadku leeyihiin
”Wallee Ethiopia aad ayay u qaldantay Haddiiba xasan dhaaley ay u qabsatay
Shabaab ahaan, ileyn waxba kama garanayaan Daba galka iyo Baarista
Ethiopian-ka” Taasina waa ay dhacday…
Qolkeygii waxaa ay ka heleen Dhowr kiilo oo baasto ah oo aan doonayay ku barto
Sida wax loo kariyo, mid ka mida askarta ayaa igu”Qaxootina waad tahay
Baastana waad Cuntaa miyaa” kadibna waxaa meesha soo gaaracay Nin
dhalinyaro ah oo u muuqday madaxa baarista oo hubiyay qolkeygii markale
Dabadeedna waxaa uu caddeeyay in qolkaan aan wax hub ah iyo wax khatar ahba
aysan ku jirin…

Mid ka mida Ciidamada ayaa intuu Soo istaagay Horteyda bilaabay inuu U hadlo
Sidii nin aabihii la dilay oo kale, alloow yaa u sheega inuusan Xabeeb isku ridin
waayo Dareenkiisa mooyee luuqadda Xabashiga waxba kama aqaano, waxaase
uu ku celceliyay Ethiopia..Ethiopia…

kadibna waxaa la ii soo bixiyay Banaanka oo Gadiidka Cabdi bilaha Soomaalidu u
taqaano uu taagan yahay, Hadda waxaa saaran Gaarigan laba nin oo dhalinyaro
ah oo Soomaali ah, Markii aan soo fuulay aniguna ayaa mid ka mida ah
dhalinyardii waxaa uu bilaabay inuu ooyo…
Walaashiis ayaa iyaduna soo istaagtay meel aan naga fogeyn markaas ayay inta
Gacanta noo haadisay nagu tiri..ilaahay kuwaan ha idinka badbaadiyo Kadibna
Oohin ayay jidka la istaagtay,Soomaali badan ayaa hareeraha laamiga soo
istaagtay iyo welibana Ethiopian- u muuqda kuwo ku faraxsan howlgalka
Ciidamadu ay ku sifeynayaan Kuwa Amaanka khatarta ku ah sideenna oo kale..
Kala soco maalinta beri ah hawraar.com iyo qeybaha kale ee

abdiqani xasan farah ( Gadari)

suxufigadari@gmail.com

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com