Qisada Gabadh U Dhalatay Dalka Lubnaan Oo Ilamaheedii Koowaad Dhashay Markay Da’deedu Ahayd 12 Jir!

Dalka Lubnaan ayaa waxa ka dhacday dhacdo gilgishay dadka dalkaasi u dhashay waxaana dhacdadaasi baahisay suxufiyad u dhalatay Dalkaaasi oo magaceeda la yidhaahdo Riima Karki .

Suxufiyada Riim ayaa waxa ay ka faalootay dhibaatada soo waajahday gabadh yar oo u dhalatay Dalka Lubnaan oo magaceeda la yidhaahdo Rawa oo ilmaheedii koowaad ee ay ku curatay dhashay markay da’deedu ahayd 12 jir ilmaheedii labaadna dhashay markay da’deedu ahayd 15 jir,imika oo ay da’deedu tahay 21 jirna ay uurka ku sido ilmaheedii saddexaad.

Gabadha Rawa oo noolosheeda ka waramaysa ayaa waxa ay tidhi ” Aniga oo lix bilood jiray ayaa waxa la i geeyay goob ka mid goobaha lagu koriyo caruurta agoonta ah ee loo yaqaano Sos kadib markii ay hooyaday i tuurtay,Ayayday ayaa waxa ay ii guurisay markii ay da’daydu ahayd 11 jir ninka i guursaday waxa ay da’diisu ahayd 21 jir .
Waxa aan ilmihii koowaad dhalay sanad kadib markii la i guursaday balse ninkaasi waa aanu kala tagnay”.

Rawa ayaa waxa sidoo kale ay sheegtay in ninkaasi markii ay u dhashay ilmahii koowaad ay ninkii kala tageen ay suuqa gashay isla markaana ay si sharci darro ah u qaaday uur oo ay dhashay ilma kale,isla markaana imika ay ku dhacday sidii oo kale oo nin ugu ballan qaaday guur uu si sharci darro ah u uureeyay .
Dhacdadan ayaa waxa ay ka turjumaysaa dhibka ay la kulmaan gabdhaha yaryar ee u dhashay Dalka Lubnaan ee kuu nool kaamka kala duwan kuwaasi oo lagula kaco cunfi iyo jidh dil aad u fara badan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.ner/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com