Jacaylkii uu Cantara u hayay Inaadeertii Cabla ayaa ah mid taariikhda Caalamka ka galay baal dahab,waxa ay dad badani is waydiiyaan su’aasha ah Cantara Miyuu Khiyaameeyay Jacaylkiisi Cabla ?.

Cantara waxa uu ka soo jeeday qabiilkii la odhan jiray Cabas waxa aanu ku caan baxay farda fuulka,Cantara waxa dhashay haweenay la odhan jiray Sabiiba .

Qabiilka uu ka soo jeeday Cantara aad ayay u necbaayeen waanay fogayn jireen balse Cantara oo ahaa nin geesi ah ayaa waxa ay qabiilkiisu soo dhaweeyeen markii uu ka qayb galay dagaalo tira badan ee u dagaalaamay si aad u heer saraysay,intaasi kadib Cantara waxa uu aad jeclaaday inaadeertii Cabla oo aad u qurux badnayd waxa aanu u tiriyay gabayo aad u badan oo uu ku amaanayay kuna sifaynayay jaaheeda iyo joogeeda .

Cabtara waxa u dagaal aad u ba’naa u galay sidii uu u hantiyi lahaa Jacaykiisi Cabla waxa aanu u safray Dalka Ciraaq sababata ui Ciraaq ugu safrayna waxa ay ahayd Cabla oo ku noolayda dalkaasi .

Nasiib wanaag waa ay is guursadeen Cantara iyo inaadeertiisi uu jeclaaday ee Cabla balse nasiib darro markii ay muddo lix bilood ah is qabeen Cabla waa ay yeelayn wayday wax Uur ah .

Intaasi dabadeed Cantara waxa uu guursaday Sideed dumara oo kale Cabla Kamay hor istaagin umanay diidin guur kale maadama oo ay caruur isku yeelan waayeen sida ay taariikhyahandu ka soo wariyeen waxa uu ahaa nin aad ugu jeesjeesi jiray haweenka sidoo kale Cantara muu qadarin Jacaylka ay inaadeertii uu haysay waanh ka hoos baxay isaga oo aan niyadeed dhawrin Cabla ayaa u qaadan wayday arrintaasi uu uu Cantara ku sameeyay waxa aanay ku celcelin Jirtay “haddi uu Cantara hantiyo boqol haweena ma rabo mid aan aniga ahayn”.

Sida ka cad qisadani Cantara waa uu khiyaameeyey Cabla sidoo kalana muu dhawrin niyadeeda .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA